Beelaha Digil iyo Mirifle oo ku hanjabay inay xiranayaan qof Farmaajo ku beel ah

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka dhacay kullan ballaaran oo ay isugu imaadeen Xubno sare sare ee xisbiga Amni iyo Cadaalad iyo Odiyaasha Guurtida dhaqanka Digil iyo Mirifle, waxaana laga soo saaray qodobo xasaasi ah oo ku saabsan xirnaanshaha Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda Soomaaliya u xiran muddo 150 Maalin ah.

Kulanka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo 3 ah, waxaana dowladda lagu eedeeyey inay diidan tahay soo deynta Roobow.

Sidoo kale waxaa Dowladda laga codsaday in Roobow si deg deg ah loo soo daayo si loo wada hadlo isagoo xor ah.

Qaar ka tirsan Odayaasha kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu Farmaajo diiday soo deynta Roobow isla markaasna uu ku xiray laba shardi oo kala ah:

  1. Inuu Roobow soo wareejiyo ciidamada iyo hubka uu heysto
  2. iyo inuu isaga tago dalka oo uu iska dhiibo Qadar ama Turkiga

Odayaashaas ayaa sheegay inuu Roobow diiday qodobadaas isla markaasna uu ku tilmaamay inay tahay mid lagu caburinayo isaga uusana dalka uga tagi doonin amar ay dowladda bixisay.

Sidoo kale Odayaasha ayaa ugu hanjabay Madaxweynaha inuu Roobow kasoo jeedo Beel isla markaasna uu isna beel kasoo jeedo, haddii uu kusoo deyn waayo muddo 15 maalin ah ay qaadi doonaan tallaabo ka dhan ah Beesha uu Madaxweynaha kasoo jeedo isla markaasna ay kasoo afduuban doonaan badalka Roobow inkastoo ay sheegeyn inaysan beeshaas aan laga heli doonin qof u dhigno isaga sida ay hadalka u dhigeyn

Halkaan hoose ka akhriso qodobadii laga soo saaray kulanka:

WAR SAXAAFADEED MAANTA KA SOO BAXAY XISBIGA AMNI IYO CADAALAD.

Xisbiga Amni & Cadaalad  wuxuu canbaaraynayaaa xariga 150 maalmood jirsadey ee uu ku xiran yahay Sheikh Muktar Roobow Ali, kaasoo weli helin xaquuq insaani ah. Taasina aan loo dulqaadan Karin.

Xisbiga wuxuu soo dhowaynayaa go’aankii ay ka qaateen odeyaashii dhaqanka ahaaa oo ku hawlanaa Wadahadalkii xalka loogu raadinaayey dhibaatooyinkii ka dhashey xarigiii sharci darada ahaa ee ciidanka AMISOM-Ethiopian – Sector 3 ugeysteen musharax Mukhtar Roobow 13-kii December 2018.

Odeyaasha waxay af-ka waayeen Madaxwaynaha Dowada Federaalka, Mohamed Abdullahi farmaajo kaas oo go’aansadey in uu sii huriyo dhibaatada reer KGS balse taasi aysan udhici doonin sida uu rabo. Waayo waxaanu oganahy in Dowlada Federalka iyo tan Koonfur Galbeed labaduba in ay dhibaato ka hurinayaan deegaanada Koonfurgalbeed, taasina ay keeni karto dhibaato horleh iyo Amni xumo horleh.

Xisbiga wuxu ku baaqayaa:

1= in sida ugu dhakhsiyaha badan loo soo daayo, xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Sheekh Mukhtaar Roobow Ali si wadahadal loola galo asagoo xur ah, welina uu hogaamiyo wadahadalada dib uheshiisiinta reer KGS.

2= Sidoo kale, Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa dowlada federralka iyo dowlad koonfur galbeedba in aysan ka been abuurin xaqiiqada jirta kana waantoobaan burburinta dastuurka, taasoo u keeni-karta burburka hanaanka geedi socodka dib u heshiisiinta ummaddan walaalaha ah.

3= Xisbiga, wuxuu kaloo codsi usoo jeedinayaaa ummada soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo qarashkooda lagu dhibaataynaayo dadka reer Koonfurgalbeed in ay soo farageliyaan arintan KGS inta aysan faraha kasii bixin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com