Madaxtooyada Kenya oo jawaab ka bixisay in la waayey Uhuru Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) – Maalmahii lasoo dhaafay  waxaa si awood leh barta twitter-ka looga hadal hayay in la la’yahay madaxweynaha dalka Kenya, balse eedaymahii halkaas looga soo jeediyay waxaa ugu dambeyn kasoo jawaabay xafiiska madaxweynaha.

Gabadha afhayeenka u ah Madaxweynaha ee Kanze Dena ayaa qoraalo badan ku shaacisay iney aad ula yaabtay waxa lagu daabacayo twitter-ka, iyadoo aysan jirin dhibaato jirta, sidoo kalana madaxweynaha uu ku guda jiro hawlahiisa shaqo.

Wax cajiib ah ayey noqotay markii twitter-ka lagu soo qoray sheekooyin layaab leh oo muujinaya inuu maqan yahay madaxweyne Uhuru, waxeyna sameeyeen qoraal is afgarada ah oo u dhignaa sidan: #whereisuhuru and #findpresidentuhuru, taasoo macno ahaan u dhigan: “#aaway uhuru iyo #raadiya uhuru”

Madaxweynaha lama arag tan iyo 23-kii April markaas uu u dhoofay dalka China, ujeedadiisuna waxey aheyd inuu ka raadsado deyn ay ku dhistaan qad tareen oo la sheegay iney qiyaastii ku baxeyso lacag malaayiin doolar ah.

Dadka u dhashay wadanka ayaana qiray ineysan arkin madaxweynaha tan iyo markaas, taasna waa midda keentay hadal heynta baraha bulshada.

Sidoo kale gabadha afhayeenka ah waxey sheegtay ineysan waxba ka jirin wararka sheegaya inuu Uhuru ugu safray China si uu deymo u weydiisto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com