Sidee ayaa looga falceliyey hadalkii R/W Kheyre kasoo yeeray ee doorashada dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka falceliyey hadalkii shalay kasoo baxay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu ku sheegay inay ka go’an tahay in dalka ay doorasho ka dhacdo.

Kheyre oo la hadlayey golihiisa wasiirada ayaa yiri “In doorasho inta badan la isla oggolyahay dalka ka dhacdo ayaa wax walba inooga muhiimsan xillagan, si aan u ilaalino xasilloonida siyaasadeed ee dalka, waana sida kaliya ee aan ku hubin karno in ay waaraan wixii aan soo qabannay.”

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa yiri:

Waxaan soo dhaweynayaa hadalka ka soo yeeray Raisul Wasaare Xasan Cali Khayre ee tibaaxaya lagama maar-maannimada in dalka ay ka qabsoonto doorasho xiligeedii ku dhacda, lagana talo galiyo dhamaan saamileyda siyaasadeed, dalkana u horseedda daganaan iyo xasilooni siyaasadeed.

Waxaan Mudane Khayre iyo xukuumaddiisa ku dhiirigalinayaa kuna adkeynayaa inay ka dhabeeyaan mowqifkooda ku aadan arinkaas, dalkana u horseedaan geedi socod doorasho hufan oo qeyb ka qaadata dowlad dhisidda iyo dimuqoradiyeenta dalka.

Waa hubaal in ka shaqeynta arinkaas ay ku muteysan doonaan amaan iyo bogaadin.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa yiri:

Si taxaddar leh ayaan u soo dhoweynayaa soo jeedinta Ra’iisal Wasaaraha ee ah in ay doorasho ay isla oggol yihiin saamaleyda inteeda badan ay ku dhacdo xilligeeda.

Haddii uu Ra’iisal Wasaaruhu isla soo mutixi lahaa in doorashada dib loo dhigo, ugu yaraan waxaan hubaa in aad loo cambaareyn lahaa.

Sidaa darteed, waxaan qabaa in ay siyaasiyiintu muujiyaan soo dhoweyn oraahdan Dastuurka waafaqsan ee ah in doorashada la qabto xilligeeda.

Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri:

Waxaan soo dhowaynayaa hadalka Raysal wasaare Kheyre uu ku balanqaaday in la qabto doorasho xiligeeda ku dhacda, la isku raacsanyahay, xasiloon saamilayda siyaasadeedna qayb ka yihiin, si loo ilaaliyo xasiloonada dalka iyo wadajirka ummada.

Waxaan kaloo bogaadinayaa fahamka ku aadan in doorashadu ay wax kasta oo kale ka muhiimsan tahay, mudnaana ka leedahay, maadaama ay lafdhabar u tahay xasiloonada dalka.