Sidee ayey Senator-ada kasoo jeeda Puntland u arkaan taageerada ee Imaaraadka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile , oo ah Gudoomiyaha xiriirka dibadda ee xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Somalia ayaa taageeray Mowqifka ay Puntland ka qaadatay Imaaraadka Carabta.

Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile, waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay wakhti badan siisay maamulka Puntland, sidaa aawgeedna ay rumeysan yihiin inaanu jirin cid u dhigmata.

Xildhibaan Jurile, waxa uu farta ku goday in Imaaraadka uu waligiis gacanweyn siin jiray Maamulka Puntland,isla markaana sinaba asyan u kala go’aynin.

‘’Waxaan taageerayaa mowqifka uu Hogaamiye Gaas ku taageeray Imaaraadka carabta, waa arrin sax ah waayo Imaaraadku waxbadan ayuu u qabtay maamulka Puntland’’

Jurile, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Puntland aysan xaqirin abaalka ay u gashay dowlada Imaaraadka oo uu sheegay inay siisay wakhti badan.

Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili shir jaraa’id uu magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku qabtay Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, kaa oo uu ku taageeray Dowladda Imaaraadka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com