Gaas oo lacagtii lagu qabtay Aadan Cadde xeelad cusub ugu badbaadinaaya Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ka hadlay dhaqaale dhawaan ay Dowlada Somalia ku qabatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdiwali Gaas, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ku khaldan tahay dhaqaalaha Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde.

Gaas, waxa uu sheegay in lacagta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah in loo waday Ciidanka Puntland, waxa uuna talaabo khaldan ku tilmaamay in lagu degdego qabashada lacagahaasi.

C/wali Gaas oo la hadlaayay Idaacada Voa-da ayaa yiri ‘’Lacag dhan Saddex Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar waxaa loo waday Ciidanka Puntland si mushaar ahaan loo siiyo, waxaan xaqiiqsanay in lagu qabtay Garoonka Muqdisho’’.

Waxa uu Cabdiwali Gaas, intaa ku daray ‘’Waxaan la xiriiray safiirka Imaaraadka ee Somalia waxaan weydiiyay arrintan, wuxuu ii cadeeyay lacagta qeyb ka mid ah in loogu tala galay Puntland’’.

Waxa uu intaa kusii daray ‘’arrintaan waxaan kala hadalnay Madaxda dowlada waxaan ka dalbanay in qeybta ay lacagta ku leedahay Puntland laga siiyo si Mushaarka looga siiyo ciidamada’’

Sidoo kale, Cabdiwali Gaas, ayaa cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo in dhaqaalahaasi ay si dhaqsi ah ku siiso Puntland, waxa uuna carab dhabay in ciidamo badan oo kuwooda ah aysan heysan Mushaarkooda.

Gaas, ayaa imaanaya xili uu sii xoogeysanaayo Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan dowlada Somalia iyo Imaaraadka Carabta.

Haddalka Gaas ayaa u muuqanaaya mid xeelad cusub dhaqaalaha loogu badbaadinaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo qalqal laga galiyay lacagta laga qabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com