Aadan Madoobe oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka guddoomiyaha BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu u sharaxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay goor dhoweyd magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay inuu u taagan tahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo uu dhowaan iska casilay Maxamed Sheekh Cismaan (Jawari).

Waxaa uu sheegay in xilkan uu waayo aragnimadeeda leeyahay, isla markaana uu xilli adag dalka u soo shaqeeyay, waxaa uu sabab uga dhigay inuu xilkan mar kale isku soo sharaxo inay tahay in aqoonteeda iyo kartideeda u leeyahay, si loo helo degenaansho siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo.

“Ayadoo duruufo adag dalka ka jira ayaa u soo shaqeeyay, oo aan dhaqaale jirin, miisaaniyad jirin, waxaa leeyahay waayo aragnimo xilkan, waxaa go’aansaday inaan maanta is sharaxo oo aan umadda Soomaaliyeed u soo bandhigo, anigoo ka codsanayo inay gacan igu siiyaan”ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sheekh Aadan madoobe ayaa horay u soo noqday Guddoomiye Baarlamaan, xilligii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf ee xarunta KMG u aheyd Baydhabo, waxaana xilka loo doortay bishii January sanadkii 2007-dii, xilligaasoo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaaday Shariif Xasan oo sanadkii 2004-tii lagu soo doortay Kenya.

Musharixiinta xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa ka badan 10, inkastoo ay yar yihiin inta sida rasmiga ah isu soo sharaxday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com