Sidee ayuu u qabsoomay kullankii ugu horeeyay ee Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta kulankii koowaad magaalada Muqdisho ku yeeshay Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka ah ee Somalia.

Kullanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa shir guddoominaayay Ra’isal wasaaraha Xukuumada Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay kullanka ku dhamaayen dhammaan Wasiirada la ansixiyay.

Kullanka Wasiirada ayaa waxaa looga hadlay Ajande ka kooban soo dhoweyn, Nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, Diyaarinta xil la wareegida Wasiirada cusub, Qorshaha Xukuumadu ku shaqeyn doonto, Arrimaha Amniga iyo Abaaraha.

Ra’isul wasaare Kheyre oo furay shirka ayaa Golaha Wasiirada ku wargaliyay in looga fadhiyo gudashada howlaha loo igmaday waxa uuna soo jeediyay in laga dhabeeyo rajada shacabka.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu si qoto dheer uga hadlay magacaabida Wasaaradda Gargaarka, waxa uuna sheegay in waxa loo shaqeynaayo ay yihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana Wasaaradaasi ay tahay mid ka shaqeyneysa howlaha Shacabka sida Gurmadka iyo Gargaarka.

Qodobka uu ku dheeraaday Ra’isul wasaaraha ayaa ahaa Amniga, waxa uu Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo Hufnaanta Hay’addaha Amniga.