25.9 C
Mogadishu
Saturday, January 24, 2026

Sidee loo dilay horjoogihii Shabaabka ee sida weyn ugu raad-joogay sirdoonku?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ayaa xalay howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ciidanka sirdoonku ku raad-joogay, sida ay xaqiijisay NISA.

Horjoogahan oo weli aan la shaacin magaciisa, ayaa waxay NISA sheegtay inuu so dhuumaaleysi ah falal argagixiso uga abaabulayay dhulka hawdka ah ee deegaanka Jambaluul, degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ninkan ayaa waxaa lala dilay 11 dagaal-yahan oo kamid ahaayeen ilaaladiisu, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka (NISA)

Howl-galkan oo lagu bartilmaameedsaday godad ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayeen iyo goobo ay ku diyaarinayeen qaraxyo, ayaa intii uu socday isu badalay dagaal fool-ka-fool ah.

“Cadowga Khawaarijta waxay hoobiyeyaal la beegsaday goobo ay dad shacab ah degan yihiin, isla markaana waxay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah iyo labo askari oo ka tirsan ciidanka NISA, kuwaas oo dowladdu ay gacanta ku heyso maareyntooda iyo daryeelkooda caafimaad,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Hay’adda ayaa sheegtay inay aad uga xun tahay waxyeellada dadka rayidka ah ka soo gaartay weerarka Shabaabka, iyadoo sheegtay inay xoojinayso howl-gallada lagu ciribtirayo argagixsada duulaanka ku ah nafta, hantida iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidanka NISA ay ku guuleysteen khaarajinta horjooge Xasan Siidoow Xuseen oo ahaa maskaxdii abaabulka qaraxyada dhulka lagu aaso ee lagu dhibaateyn jiray dadka shacabka ah iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka gobolka Shabeellaha Hoose.

Xasan ayaa door muuqda ku lahaa qorsheynta iyo hagista weerarada Shabaab ee halkaas ka dhici jiray, sida lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka.

Ciidanka NISA ayaa muddooyinkii dame kordhiyay dadaalka lagu xaqiijinayo nabad-gelyada shacabka, isla markaana lagu cirib-tirayo haraadiga Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News