Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka.
Sharcigan ayaa waxaa hore u ansixiyay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana saxiixa Madaxweynaha ka dhigayaa mid si rasmi ah u howl-gala.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhismaha Guddigan uu ka tarjumayo sida Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda iyo karaamada muwaadiniinta.
Wuxuu bogaadiyey wada-shaqeynta Baarlamaanka iyo Xukuumadda taas oo aasaas u ahayd soo dhisidda iyo hubinta waafaqsanaanta sharciyadda iyo diinta ee xeerka Xuquul Insaanka iyo dhismaha Guddigan.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka dadaalka ay ku hoggaamisay diyaarinta hannaanka sharci iyo farsamo ee suurta geliyay in la helo Guddigan oo u diyaarsan gudashada waajibaadkiisa qaran.
Xasan oo Alle uga baryey in uu shaqadooda u fududeeyo xubnaha Guddigan ayaa xusuusiyay waajibaadka laga sugayo ee ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo xoojinta nidaam dowladnimo ku dhisan caddaalad, isla xisaabtan iyo hufnaan.
Geediga dhismaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka oo soo socday mudo fog ayaa ah mid muujinaya sida Soomaaliya uga dhabeyneyso horumarinta Xuquuqul Insaanka, taasi oo ah mid ka mid ah waajibaadka ay Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Guusha taariikhiga ah ee Soomaaliya ka gaartay kulankii QM ee loogu codeeyey ee ka dhacay magaalada Geneva, Switzerland, ayaa meesha ka saareysa soo magacaabista qabiirka Xuquuqul Insaanka, oo dalkeenna loo soo magacaabi jiray labadii sanadoodba mar.

