Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaadiid oo ka tirsan xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Xisbiga Himilo Qaran oo maanta la hadlay wariyeyaasha ayaa ka warbixiyay qaban-qaabada shirka ay mucaaradka ku yeelan doonaan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Gamaadiid ayaa shaaca ka qaaday in weli sidiisii uu yahay shirka, ayna wadaan abaabulkii ugu dambeeyay qabsoomidiisa, si wax looga qabto xaaladda cakiran ee dalka.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in maalmaha soo socdo ay iclaamin doonaan xilliga uu furmayo shirweynaha iyo cidda ka qayb-galeysa intaba.
“Shirkii Kismaayo oo uu abaabulkiisii socday weli wuu socdaa arrimaha farsamada iyo guddigii hawlahoodii waa dhammeysteen sidiisii ayuuna u jiraa maalmaha inagu soo aadan iclaamintiisa iyo wufuudii kasoo qaybgeli lahayd casuumaadoodii warbaahinta ayaad ka arki doonataa” ayuu yiri Xildhibaanka.
Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta Farmaajo iyo ka qayb-galkiisa shirka Kismaayo, wuxuuna sheegay in aysan jirin cid u diiday shirkaas, uuna tegi karo, maadaama uu yahay Madaxweyne hore oo dalka soo maamulay, si weyna uga soo horjeeda sida wax loo wado.
“Farmaajo waa Madaxweyne dalkaan soo xukumay qaladaadka socdana diidan tagitaankiisa shirka Kismaayo iyo gogosha waxay u taallaa dowlad-goboleedka dhigay” ayuu sii raaciyay.
Dhanka kale, waxa uu ka hadlay shirka magaalada Nairobi, wuxuuna caddeeyay in wakiil ay u dirsadeen, maadaama ay halkaas isku arkayaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan madaxda Jubbaland, Puntland iyo xubnaha la baxay Madasha Samatabixinta.
Si kastaba, Shirweynaha Kismaayo ayaa lagu wadaa inuu noqdo midka ugu weyn ee mucaaridku qabsado, iyadoo qaban-qaabadiisa wadaan Jubaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku midaysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana qorshuhu yahay in siyaasiyiin kale oo qeyb ka aheyn golaha ay qeyb ka noqdaan.
Shirweynahan ayaa la filayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka , xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Xasan Sheekh, iyaga oo digniin kasoo saaray arrintaas.

