Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraya dadaallada nabadeed ee la doonayo in lagu soo afjarayo xiisadda weli ka taagan magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, halkaas oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhaceen rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah.
Dadaallada haatan socda ayaa waxaa ku biiray odayaal dhaqameed ka yimid magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad-deegaanka Soomaalida, kuwaas oo maanta Hargeysa u tegay xal u raadinta xiisadda magaalada Boorama oo gaartay meeshii ugu xumeyd.
Odayaasha oo si weyn loogu soo dhaweeyay caasimada Somaliland ayaa qorshuhu yahay inay la kulmaan odayaasha dhaqanka Hargeysa, si ay ugala qayb-qalaan dadaalkooda ku aadan sii loo damin lahaa xiisadda ka taagan gobolka Awdal.
Horay odayaasha reer Jigjiga aya sidaan oo kale u tegay magaalada Hargeysa,, gaar ahaan xiligii ay socdeen dagaalladii ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, waxa ay talooyin siiyeen Waxgaradkii ay la kulmeen.
Rabshadaha Boorama ayaa soo bilowday habeen hore kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, waxaana ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale.
Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi.
Maalin kahor Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa isna ku dhawaaqay inuu joojiyay bandhigga xeer Ciise ee rabshadaha ka riday magaaladaasi, wuxuuna sheegay in isagoo eegaya maslaxada guud darteed uu baajiyay qabashada bandhiggan, si looga hortago in rabashaduhu ay sii socdaan.
Waxaa kale oo uu farriin u diray shacabka reer Awdal, isaga oo ugu baaqay inay deganaan muujiyaan, si loo ilaaliyo xasiloonida guud ee deegaanka.

