Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha guud ee madaxtooyada Somalia, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa maanta is-casilay, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Sida ay ogaatay Caasimada Online agaasimaha ayaa is-casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in is-casilaadiisa ay la xiriirto arrin shakhsi ah iyo damac siyaasadeed oo uu ka leeyahy xilka madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed
Xuseen Sheekh Maxamuud oo ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha ayaa xilkan soo hayay tan iyo 23-kii May ee sanadkii ee 2022-kii.
Haddaba sidee looga falceliyay is-casilaadiisa?
Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyay go’aanka agaasimaha is-casilay.
Farxaan Nuur oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa yiri “Waxuu isku casilay taas ma aha ee Hinda Calasow ayey isku dhaceen oo madaxtooyada kala wareegtay”.
Cabdifitaax Cali ayaa isna yiri “Dr Hussein Sheikh Mohamud nin ka mudan ma jiro madaxweynaha Koofur Galbeed, waana ninkii maamulka ka dhigi lahaa mid hormarsan”
Cali Haruuse ayaa isaguna ku jawaabay “Madaxweynaha soo socda ee Koonfur Galbeed ma jirto khilaaf ama shaqa xumo uu ku baxay balse hankiisa ayuu soo tijaabinayaa Agaasime Xuseen insha’allah guul ayaan u rajenayaa”.
Yuusuf Cabdi ayaa isna u rajeeyay guul, wuxuuna yiri “Madaxweynaha dhaarta u dhiman ee Koonfur Galbeed”
Ubax Isaaq ayaa iyaduna tiri “Agaasimaha wax ka wayn ayaan kuu rajeynaa shaqo fican ayaad madaxtoiyo ka qabatay”
Maxamed Cabdullaahi isaguna wuxuu ku jawaabay “In doorasho ay dhacayso ayaa ii muuqato”