27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sidee magafaha Liibiya looga soo furtay 62 tahriibayaal ay ku jirto Soomaali?

Bookmark
Bookmarked

Share

Tripoli (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka dalka Liibiya ayaa howl-gal ay ka fuliyeen gudaha magaalada Tripoli kasoo furtay 62 tahriibayaal ah.

Muhaajiriintan ayey ciidamadu ka soo badbaadiyeen gacanta magafayaasha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Soomaali ay qoysaskoodu horey u bixiyeen lacag madax-furasho, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in howl-galka uu dhacay Khamiistii, ayna fuliyeen ciidamada Waaxda Macluumaadka iyo Baarista ee Tripoli, iyagoo beegsaday xarun ku taallay xaafadda Tagoura, Al-Naeam.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa ka soo kala jeeda dalalka Soomaaliya, Suudaan, Eritrea iyo Liberia. Waxaa ku jiray siddeed dumar ah iyo ilmo aan weli gaarin 20 maalmood, kuwaas oo lagu hayay xarunta si qoysaskooda looga helo lacag madax-furasho.

Warbixinta ayaa xustay in dadkaasi ka mid ahaa Jaamac Maxamed Somal oo ah muwaadin Soomaaliyeed. Inkastoo qoyskiisu ay kooxaha tahriibka siiyeen lacag ku dhow $18,530, haddana wali waxaa lagu haystay xarunta ilaa ciidamada ay soo furteen.

Saraakiisha ayaa sheegay in howl-galka lagu qabtay xubno ka tirsan shabakad tahriib ah, kuwaas oo lagu tilmaamay inay ahaayeen muwaadiniin Afrikaan ah, kuna howl-galayay iskaashiga koox Liibiyaan ah oo xarunta ilaalinayay.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen “in eedeysanayaasha la marsiinayo cadaaladda, halka muhaajiriintii la soo badbaadiyayna loo diyaariyay gargaar caafimaad iyo kaalmo bani’aadannimo.”

Si kastaba, Liibiya ayaa weli ah marin halis badan oo ay tahriibayaashu u adeegsadaan socdaalka ay ku doonayaan inay ku gaaraan Yurub, iyagoo inta badan ku dhacaya gacanta shabakadaha magafayaasha.

- Advertisement -

Read more

Local News