Sidee siyaasiyiintu u dilaan shaqsiyadooda siyaasadeed?

Ereybixinta dilka Shaqsiyadda (Character Assassination) ha ahaato mid Siyaasadeed, dhaqaale, bulsho, Diin ama mid Suugaaneed markii ugu horreysay waxa ay soo shaacbaxday qiyaasta Sanadkii 1930; Nuxurkka dilka Shaqsiyadda waxa si fiican u hormariyey una sharraxay Jerome Davis; labaatan sano kaddib markii ereybixintu magac ahaan ku fidday Siyaasadda iyo dhaqaalaha, muddo kaddibna waxa uu noqday mid ka mid ah hababka loo adeegsado dagaallada dacaayadda ku dhisan ee ka dhanka ah dalalka, dowladaha, Shaqsiyaadka iyo xitaa haddii loo baaahdo hab dadka Maskax ahaan loogu qanciyo in dalalkooda iyo dadkoodu xun yahay oo aysan u qalmin ku noolaansho iyo la noolaansho.

Dilka Shaqsiyaddu (Character Assassination) waa Qorshe iyo dadaal isku xiran oo si ku talagal  loo bixiyo si loo dumiyo Sumcadda iyo heybadda qofeeed, daleed iyo siyaasadeed, 

Ujeedada iyo sababta loo adeegsado Aragtida dilka shaqsiyadda qofeed, Waddan iyo Kooxba waxa ugu horreeya in si taban loo saameeyo fikirka dadka ku hareereysan Yoolka (Qofka, Waddanka ama Kooxda dilka shaqsiyaddiisa loo dan leeyhay) kaddibna si tartiib-tartiib ah loo kobciyo loona baahiyo Fikirkaas taban (Negative think) habka iyo kooxda qaadda Weerarka lagu dilayo shaqsiyadda waxa loo yaqaan Weeraryahanada dhabta ah (Pragmatic Attackers).

Sidee Siyaasiyiintu u dilaan Shaqsiyaddooda siyaasadeed?

Siyaasiyiintu marka laga tago weerarada ka dhanka ah Shaqsiyaddooda Siyaasadeed ee uga yimaada dibadda ama meel kale iyaga qudhooda ayaa kaalin ka qaata dilka Shaqsiyaddooda Siyaasadda, balse markaan waxa ay u dhacdaa si aan ku talagal ahayn, tusaale qaarajinta Shaqsiyadda,  Siyaasiyiintu waxa ay isku sameeyaan muddada ay halganka iyo gulufka ugu jiraan helidda awoodda iyo kaddib marka ay helaan, taasina waxa ay dhacdaa iyaga oo aan habayaraatee aragti ka haysan ama aan ku baraarugsanayn sida ay u dhaceyso. 

Dilka Shaqsiyadda kahor helidda Awoodda

Qaarkood waxa ay qabaan hammuun-gorgor siyaasadeed iyo baahi awooddeed (Power hunger) sidaas awgeed wax walba ayay u sameeyaan meel walbana waa u maraan helidda awoodda, waxa ay jeediyaan hadallo aan qornayn iyo kuwo sara-joog ka tuur ah oo sababa in ay ku dhacaan gef diineed, mid dhaqan, Siyaasadeed, ballan-qaad uusan fulin Karin, Jinsi iyo mid taariikheed, waxaa dhacda in Siyaasigu dhowr gef iyo dhac-dhac aragtiyeed ku jiro, muddo kaddibna waxaas oo dhan marka la isugeeyo waxa ay horseedaan dhaawac gaara shaqsiyaddiisa siyaasadeed, sida in dadweynaha dhexdiisa ay ugu faafto aragti xun (Negative idea) sida Siyaasi hebel lama aamini karo, Saaxiib siyaasadeed ma laha, Beenlow iyo wixii la mid ah! waxaas oo dhami waxa ay dhici karaan inta uu ku jiro ololaha, waana halis kuwajahan sida uu u muuqanayo haddiiba uu guuleysto.

Sida uu qabo Jerome Davis; oo ah qoraa iyo Faylasuuf dersay Aragtida dilka shaqsiyadda, siyaasiyiinta la kulma weerarada qorsheysan ee ka dhanka ah Shaqsiyaddooda Siyaasaddu kuma guuleystaan ololeyaashooda la xiriira Siyaasadda! haddii Weeraryahanada dhabta ah (Pragmatic Attackers) ku ay leeyihiin Ujeeddo iyo Yool fog oo kuwajahan in ay si dhammeystiran u dilaan shaqsiyadda siyaasiga, sidaas oo kale weerarada dilka shaqsiyaddu waxa ay dib u riixaan guulaha siyaasiga iyaga oo sababa in uu muddo dheer ku qaato halgan iyo raadinta awoodda! Siyaasiyiin Afrikaan iyo reer galbeed  ah oo la kulmay Weeraradaas magac iyo shaqsiyad dilka ah waxa ay guuleysteen iyaga oo aad u da’weyn muddo kabadan 30-50 sanana la hardamayey Weerarada dilka shaqsiyadda, balse guushoodii waa maamuli waayeen laba sabab awgood da’da awgeed iyo gabbaad la’aan siyaasadeed (Warbaahin, PR iyo Ra’yulcaam)  

Dilka Shaqsiyadda kaddib helidda Awoodda

Shirkadaha iyo Kooxaha fuliya ololeyaasha dilka shaqsiyaddu waxa ay dersaan Sooyaalka iyo Xaadirka Yoolka la rabo in la dumiyo Shaqsiyaddiisa Siyaasadeed, kaddibna waxa ay soo xushaan dhacdooyinka xiriirka la leh Yoolka kuwaas oo si fudud u dhalin kara hadal-hayn xun, waxa ay dejiyaan qorshaha Weerarka shaqsiyadda, tusaale muddada loo baahan yahay in hadal-hayntaas xumi socoto siina jirto iyo sida ay ku sii fidi karto, waxa ay adeegsadaan Dhaqaale, Warbaahin, Ra’yulcaamka iyo haddii loo baahdo fanka. 

Sida ay qabaan culimada Cilmi Nafsiga Siyaasaddu (Political psychologists) dilka shaqsiyadda siyaasaddu waa hab ama jid loo maro in codbixiyeyaasha lagu dhex abuuro kalsooni-darro ku saabsan Siyaasiga loo dan leeyahay dilka shaqsiyaddiisa iyo in la badiyo tirada codbixiyeyaasha aan go’aansan cidda ay u codeynayaan balse qabay ama aragti xun ka haystay Siyaasiga si aysan marna u qaadan go’aan caawinaya siyaasiga bartilmaameedka u ah Weerarka. 

Tusaalayaasha ugu fiican ee aan ku fahmi karno waxa kamid ah dilkii Shaqsiyadda siyaasadeed ee dowladdii tala-wadaagga ahayd ee Jamhuuriyadda Soomalaiya oo Baarlamaanku doortay intii u dhexeysay 1960-1969), Gen. Maxamed Siyaad Barre; oo afgembiyey xukuumaddii rayidka ahayd islamarkaana Baarlamaankii iyo Maxkamaddiiba xiray ayaa Weerar nidaamsan ku qaaday xukuumaddaas isaga oo si joogto ah u adeegsaday ereyga Xukuumadda Musuqa iyo xilligii iskudhexyaaca, kaddib muddo dheer oo ku celcelinayey waxa u hirgashay in dadweynuhu aamino kaddibna la aqbalo ereybixintaas.

Isla Jaalle Siyaad ayaa January-1975-tii waxa uu ku dhacay gef Diineed iyo mid dhaqan oo labaduba xiriir la lahaa siyaasadda, waxa uu dhaawacay Shaqsiyaddiisa siyaasadda kaddib markii uu meel Fagaare ah ka jeediyey hadal lid ku ah Qaanuunka Islaamku u dejiyey dhaxalka, waagaas Wargeysyada reer Galbeedkku waxa ay qoreen dhowr maqaal oo uu kamid ahaa “Soomaaliya: Simidda ragga iyo Dumarka oo dhiig ku daatay  (The bloody sex Equality in Somalia).

Gefefka diinta la xariira waa halis weyn oo si dhaqsi ah u dumisa una disha shaqsiyadda Siyaasadda sidaas daraadeed wixii ka dambeeyey faragelinta iyo si cad u diiddidda Xeerka dhaaxalka ee Islaamka Jaalle Maxamed Siyaad; Shacbiyaddiisu dhulka ayay ku sii socotay, illaa ay kaceen Jabhado hubeysan oo ujeedadoodu tahay in ay xilka ka tuuraan iyada oo  dagaalkii 1977-kii Soomaaliya iyo Itoobiya uu sii jilciyey siina yareeyey kartida iyo kabashada dowladda. 

W/Q: Avv: Ahmed Isse Gutale
Qoraa, Masters in Shari’a and  Law 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.