25.3 C
Mogadishu
Friday, February 13, 2026

“Sidii madaxweyne ayaan cashar dhigi doonnaa”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ayaa ku hanjabay iney iska difaaci doonaan cid kastaa oo weerar ku qaado degmada Dhuusomareeb iyo deegaanada kale ee gobolka Galgaduud oo maamulkooda uu ka taliyo.

Madaxweynaha maamulka Ururka Ahlu sunna ee gobolada DHexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney daacad u yihiin shacabka ay maamulaan ayna iska difaaci doonaan cid kasta oo weerarta degmada Dhuusomareeb.

Wuxuu soo hadal qaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Dhuusomareeb, isaga oo ku tilmaamay mid ay ka dambeeyeen kooxo doonaya in la daadiyo dhiiga ummada Soomaaliyeed ee kunool degmadaasi.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamadooda mar walbaa ay u joogaan iney difaacaan shacabka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in markale aan lagu dul dagaalamin deegaanada Galgaduud.

Dhawaan ayaa sarkaal lagu magacaabo Liibaan Madaxweyne wuxuu weerar degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, wuxuuna dagaalkaasi sababay geerida ciidamadii dagaalamay iyo dad shacab ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News