Yaa diidan dhismaha maamulka Sh/dhexe iyo H?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa wali socda qorshe dowlada Soomaaliya ay dooneyso iney ku dhisto maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, wallow ay jiraan dad ku dhagan dhismaha maamulkaasi.

Qaar kamid ah odoyaasha iyo waxgaradka labada gobol ayaa yeeshay kulamo kala duwan oo looga hadlayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana ay ka hadleen caqabadaha hor taagan.

Xildhibaano iyo wasiiro dhaqaalo ka qaatay dowlada Soomaaliya ayaa hor boodaya qorshaha lagu carqaladeynayo dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale waxaa ka mid ah musharixiin kala matalaya xisbiyada diimeed ee ka jira dalka, kuwaasi oo dhinac walba doonaya iney helaan xilka ugu sareeyo maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo dhaqaalo bixinaya sidii taageero ay uga heli lahaayeen odayaasha dhaqanka.

Sidoo kale waxaa jiro dad dowlaha deriska ah dhaqaalo kaga qaatay sidii shirka loo weecin lahaa, balse shabka labada gobol ayaa waxay yihiin kuwo qabar daar ka ah waxyaabaha socdo.

Dhawaan shirkii kusoo dhamaaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga waxaa hishiis seddex geesood ah ku gaaray madaxweyne Xasan Sheikh iyo gudoomiyaasha Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana loo dhiibay labada gudoomiye maamulka Shirka.

Waxaa caqabad kale ay kala kulmeen odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Hiiraan, maadaama hore balamo adag loola galay, loogana baxay qaarkood.

Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa haatan sugaya dhismaha maamul, waxaana jira caqabado badan oo maamulka dhismihiisa hostaagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com