Siilaanyo oo dowlada Imaaraadka ula tagay arrin uu sumcad darro kala soo kulmay (Faah-faahin)!!

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan magaalada Dubai ee wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Socdaalka Axmed Siilaanyo iyo Wafdigiisa ayaa la xiriira sidii ay dowlada imaaraadka ugala hadli lahaayeen arrimaha ku aadan Gaadiidka Dagaal oo ay siisay DF iyo Maamul goboleedyada dalka.

Siilaanyo ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Xogeenta Wasiirka Gaashaandhiga Imaaraadka Carabta iyo lataliyayaashiisa si uu ugu soo bandhigo baahiyaha Maamulkiisa uu u qabo helida gaadiidka gaashaaman iyo in laga saacido dhanka helida Hubka tayada leh.

Siilaanyo ayaa ka xumaaday gaadiid dagaal oo dhawaan ay la wareegeen Puntland, Jubaland iyo kan maalin ka hor lagu wareejiyay Dowlada Federaalka ah ee Somalia, waxa uuna Dowlada Imaaraadka ku wargaliyay in hubka ay bixisay uu halis ku yahay amaanka deegaanada ay ka arrimo Somaliland.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa bedelka ay gaadiid iyo hub ka siin laheyd Maamulka Somaliland ka caawisay dhanka duulimaadyada, dhismaha kaabayaasha dhaqaale iyo wadooyinka waana tan sare u qaaday dareenka Madaxda Maamulka.

Ma jirto wax ilaa iyo hada loo balan qaaday Axmed Siilaanyo iyo wafdigiisa, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in Dowlada Imaaraadka ay ku gacan seertay in Somaliland ay u gacan galiso Hub.

Maamulka Somaliland oo inta badan caalamka ka dhaadhiciya inay ka go’een Somalia inteeda kale, ayaa waxaa hadana muuqata inay ka danqanayaan deeqaha lasiinaayo Dowlada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com