Somali hor leh oo ku dhimatay dagaalada Yemen

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanayo Magaalada Cadan ee Dalka Yemen ayaa sheegay in duqeyntii shalay ilaa xalay soctay ay ku dhinteen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku jiray gurashada alaabtooda.

Inta la xaqiijiyay ilaa 9-ruux ayaa ku dhintay Duqeyn kuwaasi oo la sheegay in qeyb kamid ah jirkooda aan la arag, kadib markii ay ku haligmeen gantaalo ay rideen Xulufada Sucuudiga ee Yemen ka wada Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Xuutiyiinta ee Dalkaas intiisa Badan la Wareegtay.

Dadka duqeynta ku baaba’ay ayaa ku noolaa Xaafadda Basaatiin ee Soomaalidu ku Badantahay.

Xuseen Xaaji Axmed oo ah ku-xigeenka Qunsulka DF Somalia ee Dalka Yemen ayaa waxaa uu warbaahinta u sheegay in Duqeyntaas ay ku haligmeen Soomaali badan oo ku howlanaa rarashada alaabtooda si ay u gaaraan Markabka yaalla Dekada.

Xerada Basaatiin ee Soomaalidu qoxootiga ku tahay ayuu sheegay Qusul xigeenku in ay ka dhacday Duqeyn kale, halkaas oo uu sheegay in ay ku dhinteen dad kale oo ay ku jiraan Macallimiin 3 ah oo wax ka dhigayey Dugsiga Hoose Dhexe ee Basaatiin.

Dadka qaarkood ayaa isku Adkeynaya in ay sii Joogaan Yemen waxaana uu leeyahay waa suuragal in ay iyaguna quus gaaraan oo ay kasoo Cararaan Colaada Yemen.

Hantiilayaasha Soomaaliyeed ayaa ku dadaalaya inay gurmad soo daabula u fidiyaan Soomaalida kale ee ku sugan Magaalooyinka Sanca iyo Cadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com