Axmed Diiriye iyo Odowaa oo sariftay maqaamkii beeshooda ay ku lahayd shirka CADAADO (Xog)

Cadaado (Caasimada Online) – Waxgarad isugu jira aqoonyahanno iyo siyaasiyiin ka tirsan Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa ka horyimid heshiis laga gaaray tabasho maalmahan dib u dhigtay hab sami u socodka shirka Caddaado; iyada oo Maamulka Ximin iyo Xeeb ay si weyn kaga horyimaadeen qoddob ku jira dastuurka lagu wado in loo sameeyo maamulkaas.

Cabdi Oday oo ka mid ergooyinka shirka u metelaya beesha Reer Xaaji Suleymaan oo saxaafadda la hadlay, wuxuu sheegay in heshiis qarsoodi ah oo dhexmaray afhayeenka odayaasha beesha Hawiye Axmed Diiriye iyo Damul-jadiid la isku afgartay in si loo dedejiyo shirka, ay beesha Caddaado ogolaato qoddobada muranka dhaliyey ee ku jira Dastuurka ee ku saabsan in Caasimada Maamulku ay noqoto Dhuusamareeb, laguna caddeeyo Dastuurka in Xudduuda Maamulkaasi ay tahay Burtinle.

Cabdi Oday wuxuu kaloo intaa ku daray in dadka ku sugan Caddaado ay yihiin dhowr nooc, ayna isugu jiraan kuwa u jooga in ay shirka fashiliyaan; koox ku hamineysa haddii ay madasha xil ka weyso in shirku fashilmo iyo dad tiro yar balse hal-adag oo aaminsan in xilligan aaney aheyn waqtigii derajada iyo anigaa ka mudan lagu murmi lahaa, loona baahan yahay in caqligu shaqeeyo dadka Mudug iyo Galguduud ku dhaqanna ay kheyrkood wax la qeybsadaan.

“Afhayeenka beesha Hawiye Axmed Diiriye iyo Wasiir Odawaa ayaa ku sariftay qaddiyadii Caasimada ee beesha Reer Xaaji Suleymaan markii loo balanqaaday in loo magacaabi doono wiil uu dhalay Axmed Diiriye xilkii uu ka geeriyooday ALLAHA u naxariistee Maxamed Aadan Guuleed (Caano-geel) ee ahaa Ku-xigeenka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Odawaa oo doonaya in xilkaasi uu ku soo baxo musharaxa uu wato oo C/kariin” Ayuu yiri Cabdi Oday, wuxuuna intaa ku daray in dadkii waxgaradka ahaa, ayna dhabta ka aheyd xal u helida xaaladaha cakiran in bannaanka la dhigay.

“Horta shirkan qolo aynaan u jeedin ayaa wadata, dadka aan arkeyno ee na hor ordaya kulligood waa shaqaale; marka danta laga leeyahay laga dhammeysto mid kastaba isaga oo bah-dilan ayaa iska tag la leeyahay; Dadka Goboladan degan waa dad wada dhashay oo abti, seedi iyo wiil isu ah waxaa la dhexdhigay cuqdad iyo utun, waxaanna loo baahan yahay dadkooda waxgaradka ah in caqligoodu shaqeeyo” Ayuu yiri Odawaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com