Xog: Ololaha Axmed Cabdisalaan ee Cadaado oo xaalka ku xumeeyey C/Kariin Guuleed & Odowaa

Cadaado (Caasimada Online) – Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ah   musharixiinta u tartamaya Madaxweynenimada Maamulka GalMudug , ayaa Magaalada Caddaado shirar is daba joog ah kula leh Ergooyinka beelaha ee halkaa ku sugan, waxaanna la soo sheegayaa in imaatinkiisa madasha shirka ay si weyn u wiiqday galaangalkii ay shirka ku lahaayeen musharax C/kariin Xuseen Guuleed, Guddiga Farsamada iyo Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Odawaa.

Fartuun Cabdullaahi Jeyte oo ka mid ah Ergooyinka shirka ka qeybgalaya oo la wareystay, ayaa  sheegtay in ay u soo jeedineyso in haddii la doonayo in shirka Caddaado ay ka soo baxaan natiijo ay u aayaan dadka Goboladaasi ku dhaqan in shirka Damul-jadiid Caddaado laga saaro.

“Axmed C/salaan waxaan u aragnaa inuu yahay “The right man” oo hadduu ku guuleysto hogaaminta Maamulkaasi ay Goboladaasi wax qabsan karaan” Ayeey tiri Fartuun Jeyte, waxeeyna intaa ku dartay in ay soo jeedineyso in qofka la dooranayo aan lacag loo eegin, balse lagu qiimeeyo aqoon iyo khibrad.

“Dadka hadda sharaxan ma jiro qof Axmed ku khibrad iyo aqoon ah, taariikhdiisa markaaad fiiriso wuxuu soo qabtay shaqooyin kulligood mira-dhal wada noqday, ka soo billow markii isaga iyo ALLAHA u naxariistee Marxuum Cali Iimaan Sharma’arke inta Canada ay ka yimaadeen Muqdisho ka hirgeliyeen Idaacadii ugu horreeysay ee madax-bannaan (Horn Afrik); iyada oo la cabsanayo oo cid la hadli kareysaa hogaamiye kooxeedyada aysan jirin ayeey suurtageliyaan in shacabku hadlo, ayna tusaan in shacabku awood leeyahay oo wixii qaldanna ay diidi karaan, billowgaas wanaagsan wuxuu suurtageliyey in horumar is-daba joog ahaa oo ay Magaaladu wajahday uu horseed u noqdo, marka Axmed waa qof waxtarkiisa la arkay, ayna tahay in runtii lagu qiimeeyo” Ayeey tiri Faadumo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com