Ceeb looma dhinto: Barack Obama oo bah-dilaad iyo sharaftir kula kacay r/wasaaraha Iraq + Video

Berlin (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa bahdilaad kula kacay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Haider Al-Abdi xili uu damacsanaa inuu la hadlo, balse Obama ayaa iska dhigay qof mashquulsan oo aan arkeyn.

Arintan oo ka dhacday xili la joogay shirka wadamada warashadaha ku hormaray ay ku yeesheen dalka Jarmalka.

Obama ayaa isku mashquuliyay la hadalka Haweeneyda madaxda ka ah Bankiga Adduunka Christine Lagarde iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Renzi xili dhinaciisa uu fadhiyay Haider Al-Abdi oo doonayay inuu la hadlo Obama.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq ayaa siduu u fadhiyay kursiga Obama dhinaciisa isaga iyo La-taliyihiisa ayaa markii danbe ku caajiseen, waxayna markii danbe dhaqaaqeen iyagoo dhinacyada fiirinaya kana xun sida uu Obama isaga maaweeliyay la kulankooda.

Halkan hoose ka daawo