Sir Alex Ferguson oo maanta taaladiisa daaha laga qaadayo.

Taalada Sir Alex Ferguson ayaa maanta daaha laga qaadi doonaa, iyadoo Taageerayaasha Manchester United ay arki doonaan marka ay soo gelayaan garoonka kooxda Old Trafford.

37 koob ayuu ku hugaamiyey United, 26 sano oo uu macalin u ahaa waana nin si weyn looga qadariyo Kubada cata Ingiriiska.

70 jirkaan, ayaa taaladiisa daaha looga qaadi doonaa Old Trafford maanta 2:00 PM, iyadoo ay kooxdu u dabaal degeyso sanad guuradiisii 26aad.

Taageerayaasha ayaan arki doona Taalada waaya aragan marka ay kulan Barclays Premier League ku wajahayaan kooxda QPR.

Wuxuu Manchester United ku hugaamiyey 12 horyaal oo Premier League ah, laba Champions League, shan FA Cup iyo afar League Cup.

Eric Cantona iyo  Ruud van Nistelrooy ayaa ka mid ah ciyaartoy kooxda soo maray oo xafladaan lagu casuumay. Cantona, ayaa United u saxiixay 20 sano ka hor, wuxuuna ka mid yahay ciyaartoyda Ferguson lasoo shaqeeyey, Van Nistelrooy, ayaana kooxda u dhaliyey 150 gool shan sano oo uu la joogay laakiin kuma uusan soo laaban tan iyo markii uu ka tegay 2006dii.

Kabtankii ugu horeeyey ee Ferguson Bryan Robson ayaana xaflada kasoo qeyb geli doona halka uu Ole Gunnar Solskjaer, oo ahaa dhaliyihii goolkii waqtigii dhimashada 1999kii ay ku hanteen Champions League isna iman doono.

Ciyaartoyda United ee haatan ayaana xaflada soo xaadiri doona, halka uu Gary Neville isna ka mid yahay dadka casuuman waana nin in badan usoo hagamaayey Red Devils.