Sirdoonka Turkey ee MIT oo howlgal culus ka fuliyey Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Sirdoonka Turkey ee MIT ayaa dalka Kenya ka fuliyey howgal ay kusoo xireen wiil uu adeer u yahay Fethullah Gulen, sidaa y Isniintii sheegeen qoyskiiska iyo warbaahinta Turkey.

Ankara ayaa ku eedeysay Fethullah Gulen inuu yahay maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkey ka dhacay 2016-kii, kaasi oo ay ku dhinteen boqolaal qof, kumanaan kalena lagu dhaawacay. 

Wixii markaas ka dambeeyey Turkey ayaa xirtay kumanaan qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin Gulen. 

Wakalaadda wararka Turkey ee Anadolu oo soo xigatay ilo-amni oo aan la magacaabin, ayaa sheegtay in wakiilo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee MIT ay soo qabteen Selahaddin Gulen, kuna soo celiyeen Turkey.

Muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada 20-kii May, ayaa xaaska Selahaddin waxay ku xaqiijisay in lamaanahan ay ku noolaayeen Kenya, islamarkaana aysan warkiisa maqal seygeeda oo macallin ka ahaa iskuul ku yaalla Nairobi, tan iyo 3-dii May.

Shaqsiyaad iyo warbaahin xiriir la leh dhaqaaqa Gulen ayaa baraha bulshada ku sheegay in Selahaddin laga “afduubtay” Kenya, waxayna billaabeen olole ay ku dalbanayaan sii-deyntiisa.

Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyey inuu ka tirsan yahay “ururka argagixisada ee FETO”, oo ah magaca ay Ankara ugu yeerto dhaqaaqa Fethullah Gulen.

Fethullah Gulen, oo ku nool gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka, ayaa ku adkeysta inuu madax ka yahay shabakad nabadeed oo ka kooban shirkado iyo ururo samafal, wuxuuna beeniyaa inuu wax xiriir ah la leeyahay isku daygii afgambi ee 2016.

Maxkamad Kenyan ah ayaa 6-dii May mamnuucday xariga Selahaddin Gulen iyo in loo masaafuriyo Turkey. Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in lasoo celiyo baasaboorkiisa, loona ogolaado inuu ku laabto Mareykanka, oo uu ka yimid.

Selahaddin, oo ururka booliska adduunka ee Interpol uu kasoo saaray amarka cas ee lagu soo xirayo kadib codsi ka yimid Turkey, ayaa Nairobi yimid 17-kii October 2020, waana la xiray, kahor inta aan damiin lagu sii deyn laba maalin kadib.

Sanadii 1999-kii, sirdoonka Turkey ayaa Kenya kasoo xiray hoggaamiyihii kooxda Kurdish-ka ee PKK, Abdullah Ocalan, wuxuuna ku jiraa xabsi ku yaalla Turkey. 

Wixii ka dambeeyey isku daygii afgambi ee 2016, Turkey ayaa dalka kusoo celisay labataameeyo ka tirsan shabakadda Gulen, ayada oo aan kala jecleyn cawaaqibka dibadeed ee ka dhalan karan.

Afduubka lix Turkish oo sirdoonka MIT ay 2018-kii ka sameeyeen Kosovo ayaa qalalaase siyaasadeed ka abuuray dalkan Balkan-ka ah, wuxuuna hoggaamiyey is-casilaadda wasiirkii arrimaha gudaha iyo madaxii sirdoonka

Ankara ayaa sidoo kale ku cadaadisay dalal badan, gaar ahaan kuwa Balkan-ka, Bartamaha Asia iyo Afrika inay xiraan iskuullada xiriirka la leh Gulen.

Kenya ayaa 2016-kii diiday inay xirtay lix iskuul, inkasta oo ay Ankara ku adkeysatay.