Doorashada Soomaaliya: Is qab-qabsi hadda iyo kow ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay dhowaan galeysaa doorasho guud oo isugu jirto tan baarlamaanka iyo mida madaxweynaha, taas oo lagu saleyn doono heshiiska ay Muqdisho ku gaareen dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Doorashada Soomaaliya ayaa sidoo kale soo martay heerar kala duwan, iyada oo inta badan uu yimaado is qab-qabsi la xiriira tartanka, kaas oo aan marnaba ka marneyn doorashooyinka dhacaya, oo la filayo inay hareeyaan is-qab-qabsi, sida uu qabo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka HirShabelle.

Sheekh Cismaan Barre Maxamed oo la hadlay Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday in dooda ugu badan ay ka timaado soo xulida xildhibaanada labada gole, isaga oo sababta ku sheegay in tartan adag ay wada galayaan musharraxiin la wato iyo kuwa kale oo xil doon ah.

Waxa uu xusay in is-qab-qabsiga doorashada uu hadda un bilow yahay, lana filayo in si aad ah la isgu qabto soo xulista xildhibaanada oo dhinacyada saameynta leh uu midba isku dayayo inuu xildhibaano soo saarto.

“Is qabqabsi kama marna doorashooyinka si gaar ah Golayaasha Shacabka & Aqalka sare, Dowladda dhankeeda waxa ay wadataa musharax ay dooneyso in loo doorto halka uu la tartamayo shaqsi kale oo kursigaas damacsan balse waxa loo baahan yahay in lagu kala saaro waa wax u qabashada dadka ay metalaan,” ayuu yiri Guddoomiye Barre.

Sidoo kale wuxuu farriin adag u diray hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, isaga oo sheegay in waajibka koobaad uu iyagu saaran yahay, loogana baahan yahay cadaalad.

“Waajibta ugu horreeyo waxa uu saaran yahay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedyada oo gudbinaya liiska magacyada Musharixiinta Senatarada Aqalka sare, ilaa shan ruux waa in uu diyaariyaa kuna soo xushaa saameynta umadda uu ku dhex leeyahay si doorashada aanay u noqon mid labo ruux lagu kala xulanayo,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo ay si rasmi ah todobaadyo soo socdo u bilaaban doonto doorashada guud ee Soomaaliya, waxaana lagu horreyn doon soo xulista xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.