Farmaajo iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo uu khilaaf soo kala dhaxgalay iyo mooshin la diyaariyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaa khilaaf soo kala dhaxgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid. 

Labadaan mas’uul ayaa isku khilaafay xil ka qaadistii uu Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Galmudug Cabdi Waayeel, kadib muran ka dhashay dhismaha Golaha deegaanka ee degmada Balanbale. 

Madaxweyne Farmaajo oo ay isugu dhawaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug ayaa la sheegay in uu diidanyahay xil ka qaadistii lagu sameeyay, halka Madaxweyne ku-xigeenka uu isagana ku adkeysanayo go’aankaas. 

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa la sheegay in ay ku howlan yihiin diyaarinta mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug iyagoo garab ka heysta Villa Somalia.

“Farmaajo waxa uu ka soo jeedaa Caabudwaaq jufadiisa ayaana ku badnaa Golaha degaanka ee degmada Balanbale, laakiin Madaxweyne ku xigeenka oo ka soo jeeda Mareexaanka daga Balanbale isaga iyo dadkiisaba ma ogola sida n wax loogu qeybiyay, jufada Farmaajo oo Caabudwaaq dagan ayaa badsatay wasiirkana uu kasoo jeedo,” ayuu yiri xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo la hadlay Caasimada Online.  

Cabdi Waayeel ayaa laga cabsi qabay inuu xiisad dagaal ka horiyo Balanbale kadib markii uu golaha deegaanka u badiyey beesha uu kasoo jeedo oo ah tan Cali Daahir iyo Farmaajo, taasi oo ay ka carroodeen beelaha kale, kadibna keentay in xilka laga qaado.

Hoos ka aqriso liiska xildhibaanada mooshinka ka diyaariyey Cali Daahir Ciid.