Jabuuti oo saraakiil ka tirsan TPLF u dhiibtay Ethiopia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay Ethiopia u gacan gelisay saddex sarkaal oo ka tirsan ururka TPLF ee uu dagaalka la galay ra’iisal wasaare Abiy Ahmed.

Saddexda Nin ee ay dhiibtay dowladda Jabuuti waxaa si weyn u raadineysay xukuumadda Abiy oo ayadu dagaal qaraar la gashay maamulka TPLF, kadib xurguf siyaasadeed oo soo kala dhex-gashay.

Xubnaha ayaa isugu jira saraakiil ciidan iyo rayid, waxaana laga dejiyay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia, waxaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad.

Saddexda Nin ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Habtom Gebresellaase, Masalle Tammane iyo Maxamed Barihu Nuur.

Dowladda Itoobiya oo si kooban uga hadashay saraakiisha TPLF ee loo gacan geliyay ayaa sheegtay inay ragaas cadaalada la horgeyn doono, ayada oo lagula xisaabtamayo dambiyada loo haysto.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in raggaan loo haysto inay ahaayeen argagixiso qayb ka ah weerarkii lagu qaaday saldhigga Waqooyi ee ciidanka Itoobiya, bishii November.

Xubnahaan ayaa ka tirsanaa ururka TPLF oo ay mamnuucday dowladda Ethiopia, ururkaasi oo maamuli jirey gobolka Tigray oo dagaal qaraar ku dhex-maray ciidamada maamulkaas iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

Ethiopia ayaa kal hore xayiraad kusoo rogtay 12 taliye oo hore uga tirsanaan jirey millateriga dalkaas, kadib markii ay ku biireen ururka la mamnuucay ee TPLF, waxayna baadi-goob ugu jirtaa hogaamiyeyaasha ururkaas.