Sawirro: Deni oo isu-diiwaan geliyay doorasho qof & cod ah

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka iska diiwaan-geliyay xaafadda Kaambo ee degmada Qardho, si uu u codeeyo doorashada goleyaasha deegaanka ee soo socota ee maamulkaas.

Deni oo hore u ballan-qaaday hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda ee doorashada qof iyo cod ayaa maanta qeyb ka noqday dadka is diiwan-geliyey si ay uga qeyb qaatan doorashada goleyaasha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celiyay guddiga doorashada iyo guud ahaan howl-wadeenada diiwaan-gelinta, Ciidamada amniga sugaya iyo saxaafada.

Waxa uu ku dhiiri-geliyay qeybaha kala duwan ee bulshada in laga wada-qeyb qaato hir-gelinta qorshaha ah in awooda shacabka loo dhoweeyo oo shacabku ay madaxdooda doortaan.

Hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland ayaa hadda u muuqda mid hirgalay, wuxuuna kamid ahaa yoolashii uu hore ballan qaaday Madaxweyne Siciid Deni.

Bulshada Puntland ayaa si weyn usoo dhaweeyay in Puntland u jiheysato doorasho qof iyo cod ah, ayada oo laga dhabeeynayo in bulshadu ay doortaan wakiiladooda ku metelaya goleyasha maamulkaas.