GALMUDUG oo kala dirtay guddigii muranka dhaliyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa ugu dambeyn kala dirtay guddigii dhismaha golayaasha deegaanka ee maamulkaasi, kadib markii uu khilaaf xoogan ka dhashay dhismaha golaha deegaanka ee degmada Balanballe oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay xafiiska siihaya xilka wasiirka arrimaha gudaha maamulka Galmudug, ahna wasiir ku xigeenka isla wasaaradaasi, Mudane Axmed Cismaan Aadan ayaa lagu kala diray guddigan oo qorsheynayey in doorasho deegaan uu ka qabto degmada Balanballe.

Sababta loo kala diray ayaa waxaa lagu sheegay inuu sii xoogeystay khilaafka ka dhex aloolsan guddoonka guddiga golayaasha deegaanka Galmudug iyo xubnaha guddigaasi.

Sidoo kale waxaa warqaddan lagu caddeeyey in khilaafkaasi uu sidoo kale sababay wada-shaqeyn la’aan soo kala dhex-gashay guddoonka sare iyo xubnaha kale ee guddigaasi.

“Kadib markii aan la tashi ballaaran la sameeyey bulshada iyo madaxda Galmudug, waxaan go’aansaday inaan kala diro guddigii farsamada ee ka mas’uulka ka ahaa dhisida golayaasha degmooyinka deegaanada ka tirsan Galmudug,” ayaa lagu yiri warqadda.

Go’aankan ayaa soo baxay, kadib markii xubnaha guddiga la kala diray ay isku khilaafeen hab-raaca dhismaha golaha deegaanka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud.

Si kastaba, waxaa khilaafkan uu horey sababay in xilkiisa uu ku waayo wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel) oo lagu eedeeyey khilaafka xoogan ee ka taagan dhismaha golaha deegaanka ee loo sameeyey degmada Balanballe.