Xog: Tallaabo ay qaadeen laba wasiir oo ka dambeysay go’aankii R/W ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay amar uu soo saaray awoodda kaga qaaday dhammaan wasaaradaha xukuumadiisa inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah ee uu dalka ku jiro.

Rooble ayaa warqaddiisa ku caddeeyay in go’aankaan uu fududeynayo wada-shaqeynta & isla xisaabtanka Laamaha Dowladda si Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya uu ula socdo howlaha la qabanayo.

Go’aanka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa yimid kadib markii ay magacaabis sameeyeen qaar ka tirsan wasaaradaha Xukuumadiisa, taasoo keentay in 26 Bishaan may uu Rooble soo saaro amar lagu yareenayo awoodaha wasiirada muddo kala guurka.

Wasiirad magacaabista sameeyey waxaa kamid ah wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda xil-gaarsiinta, Mudane Mkhtaar Xuseen Afrax oo magacaabay agaasime waaxeedyo cusub oo haatan wixii ka dambeeya ka howl-gali doono wasaaradaasi, kadib wareegto uu soo saaray.

Wareegtada oo kuu taariikheysan 22-kii bishan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xalinta khilaafaadka iyo dib u heshiisiinta loogu magacaabay Cabdiraxmaan Xaashi Faarax, halka Muuse Abshir Cabdi isna loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka iyo arrimaha Bulshada.

Sidoo kale isla Digreetadan ayaa waxaa agaasimaha waaxda xiriirka iyo warfaafinta ee wasaaradda arrimaha gudaha loogu magacaabay Abshir Macalin Maxamed, halka isna Xanafi Cabdi Cale loo dhiibay xilka agaasimaha waaxda Hay’adaha aan dowliga aheyn (NGO).

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale ayaa isna afhayeen cusub u magacaabay wasaaradiisa, waxaana wareegto kasoo baxday xafiiskiisa loogu magacaabay Cabdi Kaamil Macalin Shukri inuu noqdo afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Magacabista uu sameeyey Xundubey ayaa waxay soo baxday 24 Bisha May, laba maalin ka hor inta uusan Rooble qaadan go’aanka lagu yareenayo awoodaha Wasaaradaha Xukuumadda, maadaama uu dalka ku jiro waqti kala guur ah oo ay suuragal tahay in wasiir kasta uu ka faa’ideysto.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa u muuqda inuu isticmaalayo awoodda uu ku helay cadaadiska ay xubnaha mucaaraadka iyo qaar ka tirsan maamul Goboleedyada ay saareyn madaxweyne Farmaajo taasoo ugu dambeyn keentay in la siiyo awood uu ku maamulo doorashada iyo midda amniga Soomaaliya.