Sirta kalimada TOWXIIDKA لآ اِلَهَ اِلّا اللّهُ مُحَمَّدٌ رَسُوُل اللّهِ !!

Waxaynu ogsoonnahay cibaaradani  (لا إله إلا الله), inay tahay kalimadda ugu weyn ee qof uu yiraahda. Waa kalimadda ama oraahda uu nebigeenna suubban (NNKH) inoo sheegey qofkii yiraahda markuu dhimanaya inuu gelaya Jannada. Sidoo kale kalmadahani ay ka koobantahay cibaaraddu waa kelmadda ugu horreysa ee lagu soo galo diinta Islaamka, waana rukniga (tiirka) koowaad ee tiirarka Islaamka. Waxaynu ogsoonnahay in rasuulkeenna suubban (NNKH) uu inoo sheegey weynida kalimaddaasi ay qabta haddii koonka oo idil kafad la saaro, cibaaradaasina kafadda kale la  saaro inay cuslaan lahayd cibaaradaasi towxiidka.Waxaa haddaba isweydiin mudan maxay karaamada iyo qiimaha intaa dhami ku gaartay kalimaddaasi, waynu ogsoonnahay inay tilmaamayso kelinnimada Ilaah, balse ma waxaa jira asraar kale oo qarsoon oo ay leedahay? Maxay u noqotay kelimadda ugu weyn uguna qiimaha badan adduun iyo aakhiraba? Waa middaasi ta aynu wixii Alle innaga fahamsiiya ama uu nooga fududeeyo aanu ka oran doonna maanta hadduu Eebbe idmo.Kalimaddaasi waxay leedahay sir raqameed (tiro) oo cajiib ah, taas ayaanna lafaguri doonnaa hadduu Ilaaha idmo.Xuruufta ay ka kooban tahay kalmaddaasi waa noocma?

Kalimadda (لا إله إلا الله), waxay ka kooban tahay saddex nooc oo xaraf ah. Waxay kala yihiin xarafka Alif (ا), xarafka laam (ل), iyo xarafka haa’  (ه). Ugu horreynba halkan bay kasoo dhalaashay mucjisadii ugu horreysay ee kalimaddaasi.
Saddex xaraf oo isku soo noqnoqota ayay iyada dhan ka samaysan tahay weedhaasi qiimaha badan. Waxayna saddexda xaraf noqdeen saddexda xaraf ee ay sidoo kale ka kooban tahay kalmadda (الله), subxanallaah!!. Alif laam iyo haa’, ayay sidoo kale ka kooban tahay kalmadda Allaah.
Sidaa daraaddeed buu Ilaahay cibaaraddii uu isku sifeyn lahaa ama uu kelinnimadiisa ku tilmaami lahaa wuxuu u doortay inay noqota mid ka kooban inta xaraf ee magaciisa (Allaah) uu ka kooban yahay in lamid ah.Saddex xaraf (ا), (ل), (ه). oo ay ku dhisan tahay kalimadda Allaah  (الله), ayaa sidoo kale waxaa ku dhisan cibaarad tilmaamaysa wax aad u weyn oo ah Islaamka iyo towxiidka Ilaahay oo dhan. Saddexdaas xarfood ayaa uu Ilaahay asaas uga dhigey (ل ا إ ل ه إ ل ا الله).
Sidee Buu Alle ugu Sheegey Nebigiisa (NNKH)?Alle sarreeye asagoo nebigiisa suubban (NNKH) usheegaya weynida kalmaddaasi sidoo kalena baraya qiimaheeda kuna boorinaya inuu ogaado in Alle kale jirin Allaah uun mooyaane wuxuu suuradda Muxammad aayadda 19d uu ku yiri

(فاعلم أنه لا إله إلا الله).Bal aan is weydiinna muxuu yahay raqamka 19d ee aayadda? Maxay tahay sirta ka dambeysa ee aayaddu ay ugu soo beegmatay raqamka 19d ee suuradda? Raqamka19d waa raqam mucjisaad Quraaneed, sida raqamka 7 oo kale. Waana sidoo kale raqam cajiiba ah sida itisaalaadka iyo tiknoloojiyada casriga ka marqaati kacday. Asraar kaloo yaab badan ayuu xagga cilmiga casriga ku leeyahay raqamkaasi. Laakiin dhanka Quraanka markaynu eegno aayadda ugu horreysa ee Quraanka waa bisinka Al Faatixa, waxay ka kooban tahay 19 xarfood. Sidoo kale aayadda 30d ee suuradda Al Muddathir ayaa raqamkaasi si toos ah u cabbireysa, waxayna oranaysaa. Si gaara buu mudan yahay inaan raqamkaasi uga hadalno, laakiin marka hore aynu qeexna xuruufta kalimadda.Kalimaddan (لا إله إلا الله)  waxay ka kooban tahay nooc ahaan saddex xaraf, oo soo noqnoqota. Marka la tiriyana waxay noqonayaan 12 xaraf,
ل-ا -إ-ل-ه -إ-ل-ا -ا -ل-ل-ه
1-  1-  1- 1-  1- 1- 1- 1-   1- 1- 1- 1= 12 xarfoodTaasoo lamida bilaha sanadka ee hijriga. Bimacnaa halkii xaraf oo kamid ah wuxuu u dhigmaa 30 maalmood (hal bil). Nebigu (NNKH) wuxuu inoo sheegey in kalmad kastoo kamid ah dikriga iyo adkaarta iyo Quraanka halkii xarafba uu u dhigamaya 10 ajar. Bimacnaa xasanad kasta waa 10 ajarkeeda. Laakiin haddii halkii xaraf ee kalmaddan aanu kor kusoo xusnay uu u dhigamaya 30 maalmood, waxay ka dhigan tahay halka xaraf inuu u dhigmo 30 darajo oo ajar ah. Taa waxay kutusineysaa inay la qiimo iyo ajar ahayn kalmadaha kalee Quraanka, dikriga iyo adkaarta. Waxayna dheertahay labo jibbaar, bimacnaa 20 darajo.Waxay sidoo kale ka kooban tahay afar kalmadood.
لا– إله– إلا- الله
–  1-    1-      1-    1= 4 kalmadoodTaasoo lamid ah bilaha afarta ah ee xurmeysan ee sanadka (Rajjab, Dil Qacdah, Dil Xajja iyo Muxarram).Dhismo Raqameed Cajiib ah iyo Caalaqada raqamyada 7 iyo 19 
Haddii aayadda uu Ilaahay ku barayay nebigiisa suubban (NNKH) kelinnimadiisa iyo qiimaha cibaaradaلا– إله– إلا- الله
ay ku jirtay suuradda Muxammad, aayadduna ay ahayd aayadda 19d, bal aynu dib ugu laabanno, qeexid iyo calaaqada raqameed ee ka dhaxaysa kalmaddan iyo raqamka 19.Ugu horreyn aanu qorna cibaarada oo dhan, dabeetana aan ku hoos qorna kalmad kastoo kamid ah inta xaraf ee ay ka kooban tahay raqamka muujinaya. Tani waa luuqadda raqameed, ee ugu caansan luuqadaha adduunka, waxayna muujineysaa in Quraanka hadduu Carabi kusoo degey uu u soo degey dhammaan dadyowga dunida, siduuba Ilaahay meela badan taasi ku muujiyey, isagoo inooga warramaya in Muxammad (NNKH) uu u direy basharka oo dhan Carab iyo Cajamba. Haddaba luuqaddan oo cid kastaahi ay fahmi karta ayuu Ilaahay u adeegsaday kitaabkiisa si loo fahma mucjisada iyo balaaqadadiisa cajiibka ahi.Sidaa darteed aanu qorna marka hore cibaaradda oo dhan
-لا- إله- إلا- الله
– 4 —-3—–3—–2Kalmad kasta inta xaraf ee ay ka kooban tahay raqamka xaqiiqda ah ee tilmaamaya marka lagu hoos qora, waxaa inoo soo baxaya afartaasi raqam ee kala ah 4   3    3  2.Haddaynu sidey yahiin isugu dhaweyno waxaynu heleynaa ama ay noqonayaan sidan4332, taasuna waa raqamka 19 oo labo mar la isku dhuftay, dabeetana lagu dhuftay inta xaraf ee ay kalmadda mubaasharatan ka kooban tahay oo ah 12.12x 19x 194332 Subxanallaah!!.Waxaad isweydiisaa maxay tahay labo jibbaarka raqamkan 19 (yacni 19, 19) iyo raqamkan 12? Miyay wax calaaqa ah tiradani la leedahay raqamka 7 ee ah midka asaasiga u dhismaha raqameed ee Quraanka, iyo aayadaha kowniga ahi?Tiradani (4332) arqaamta aynu ku helnay waxay ahaayeen raqam mucjiseedyadani 12(xuruufta kalimadda Laa’Ilaah Illaa- Allaah) x 19 (raqamka aayadda kujirta suuradda Muxammad ee tilmaamaysa kalimadda towxiidka) x 19 (xuruufta aayadda ugu horreysa ee Quraanka kariimka).
Haddaba haddaynu raqamyadani (12, 19, 19) siday yahiin isu garba dhigna sidee bay noqonayaan? Waxay noqonayaan 121919.
Taasuna waxaynu ku heli karnaa dhowr jibaarka raqamka 7. Subxanallaah!! waa calaaqada cajiibka ah ee tirooyinkani iyo raqamka 7 ka dhaxaysa.
7x 17417 = 121919 Subxanallaah!!Haddaynu raqamyadaasi (121919) si caksi ah ka dhigno, waxay noqonayaan  sidan 919121, bimacnaa taasoo ah sidoo kale raqamka 7 oo dhowr jibbaaran. Subxanallaah!! waa taas calaaqada cajiibka ee kalimaddan iyo raqamka 19 iyo raqamkeeda 12d iyo raqamka 7 ka dhaxaysa.7x 131303= 919121 Subxanallaah!!.Mar kale haddaanu ixtimaalno oo raqamka goonida ahi aanu dhexda gelinna labada raqam ee isu egna aan labada dhinac marinno waxaa inoosoo baxaysa sidan 191219, Subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7.7x 27317= 191219 Subxanallaah!!. 
Haddaynu sii ixtimaalno mar kale, waxaynu sameynay labada raqam ee isu eg ayaan labada dhinac marinnay, raqamka goonnida ahina dhexda ayaan gelinnay, markaasaynu helnaay sidan 191219. Haddaba haddii tiradan aan si caksi ah u qorna waxaa inoosoo baxaya sidan 912191, subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7. 7x 130313=912191 Subxanallaah!!. 
Maxaa tani loola Jeedaa?Waxaa loola jeedaa Allaah sarreeye wuxuu cibaaradda iyo oraahda ugu qurxoon ee isaga isku sifeeyay uu u doortay arqaam cajiib ah iyo xuruuf cajiiba oo aanan ka badneyn 3 xaraf, kuwaasoo sidoo kale uu horey magaciisa (Allaah) ugu soo koobay. Waxayna daliil iyo burhaan u tahay tani xaqnimada towxiidka iyo Quraanka kariimka ah ee xaggiisa ka yimid Subxaanah!!.

Maxaa kale!!?

Intaas oo qura maahan xaajadu, balse aynu mar kale eegno cibaaradda quruxda badan iyo xuruufteeda
-لا- إله- إلا- الله

Waxay xuruufteeda ka kooban yahiin sidaan horeyba u soo sheegnay saddex nooc xaraf ah, oo kala ah Alif, Laam, iyo haa’. Haddaba aynu is weydiinno xaraf kastaa oo kamid ah cibaaraddani inta mar ee uu kusoo arooray ama kusoo noqnoqday isla cibaaraddan.

Xarafka alif aanu siinna raqamka 1, xarafka laam aanu siinna calaamaddan #, xarafka haa’ aanu siinna caalamaddan ¤.

-ل- ا- إ- ل- ه- إ- ل- ا- ا- ل- ل- ه
¤—-#–#——1–1—#–1–¤—-#—1–1—#

Bimacnaa waxaanu haysannaa labo calaamad oo noocan ah ¤= 2 haa’.
Waxaanu haysannaa 5 caalamadood oo noocan ah # = 5 laam.
Waxaanu haysannaa 5 calaamadood oo noocan ah 1= 5 alif.Cibaaraddu waxay ka kooban tahay alif, laam iyo haa’ soo noqnoqday. Xarafka Alif wuxuu kusoo noqnoqday 5 mar, xarafka laamna 5 mar, halka xarafka haa’ uu kusoo noqnoqday 2 mar.Si kale haddaynu u fiirinna aanu soo qaadanno magaca Allaah, oo ah midka laga soo dhambaashay xuruuftani saddexda ahi, dabeetana aan xaraf kasta hoos dhigna tirada tilmaamaysa inta uu kusoo noqnoqday cibaaraddan sare ee towxiidka.

 (الله)

Aynu kala dhigna ا ل ل ه

Immisaa mar ayuu xaraf weliba kusoo noqnoqday cibaaradda towxiidka? ا- ل  -ل -ه
2—5—–5—-5Tirooyinka aynu helnay haddaynu isku dhaweyna waxaynu heleynaa sidan 2555. Subxanallaah!! tanina waa dhowr jibbaarka raqamka 7.73652555 Subxanallaah!!.Raqamka aad ku dhowr jibbaarta raqamka 7 ee kusiin kara tiradaadii hore ee aad xuruufta cibaaraddaasi ku heshay (2555) waa raqamka 365, kaasoo u dhigma maalmaha sanadka shamsiga. Subxanallaah!!.Xasuusnow!! horey waxaad usoo aragtay in xuruufta 12ka ah ee cibaarada ay u dhigmayeen bilaha sanadka. Sidoo kale afarta kalmadood ee cibaaradda towxiidka ay ka koobneyd ayaa waxaad soo aragtay inay u dhigmayeen bilaha afarta ee xurmeysan.
Haddaba ogoow!! kalmaddani sha’niga weyn waxay ku heshay waa kalmad cajiib ah oo wada mucjisa ah. Sidoo kale waxay la shaqeysaa samanka iyo waqtiga sidii aad horeyba usoo aragtay bilaha, maalmaha iyo sanadka sida ay saamaynta weyn ugu leedahay. Waxaynka tani ka dhigan tahay sidii aad horeyba u soo aragtay xarafkastoo kamid ah kalmaddan  towxiidka in uu u dhigmaya 30, halka xarafka xasanada ama Quraanka aan u barannay inuu u dhigmaya 10 xasana kaliya.
Laakiin halka xaraf ee kalmaddan markuu u dhigmayo 30 darajo, waxay lamid noqotay 30 maalmood, oo lamid ah bil kaamil ah. Haddii xarfaha cibaaradda oo dhami ay markaasi ahaayeen 12 xarfood, waxaa inoosoo baxaysa halkii mar ee aad ku dhawaaqdaba cibaarada towxiidka in ay lamid tahay sanad ajar oo kale inaad heleysa Subxanallaah!!. Waana halka aynu immika xuruufta magaca Alle ee saddexda ahi inta mar ee ay kusoo noqnoqdeen kalmadda markaynu eegnay natiijadii aynu ku helnay raqamkeeda markaynu baarnay ay inoogu soo baxday dhowr jibbaarka raqamka 7, taasoo raqamka kalee lagu dhowr jibbaari kara raqamka 7 uu noqday raqamka muujinaya maalmaha sanadka Subxanallaah!!.Intaasoo qura maahan, laakiin waxaa jirta asraar kale oo raqmi ah oo muujineysa labadan raqam ee 7 iyo 19.Haddaynu eegno cibaaradani mar kale-لا- إله- إلا- الله

Waxay ka kooban tahay 4 kalmadood. Haddaynu eegno kalmadda ugu horreysa waa -لا, 
Kalmadda ugu dambeysana waa – الله.
لا– إله- إلا- الله

 4——————2Kalmadda dambe waxay ka kooban tahay 4 xaraf, tan ugu horreysana 2. Haddaynu isku dhaweyno labada raqam ee aynu helnay waxay noqonayaan 42, taasoo ka dhigan dhowr jibbaarka raqamka Subxanallaah!!.7x 6= 42 Subxanallaah!!.
Haddii cibaaradda towxiidka aynu ku darna qeybta ka dhiman ee lagu soo galo Islaamka oo ahمحمــد رسـول اللهBimacnaa sidan لا إله إلا الله محمد رسول الله, waxaynu heleynaa inay ka kooban tahay 7kalmadood si toos ah Subxanallaah!!.لا– إله- إلا الله– محمد- رسول– الله

1—-1——–1——1—–1—1—1= 7 kalmadood.
Haddaynu fiirinna labada kalmadood ee cibaaradda (لا إله إلا الله ) ugu dambeeyo waxaynu heleynaa inay yahiin labadan kalmadood  (إلا الله). Subxanallaah, kalmaddahan labada ahi waa labada kalmadood ee muujinaya cibaadada inuu Allaha xaqa ahi leeyahay, waana oraahda qeybta loo yaqaan amarka, maadaama cibaaradda (لا إله إلا الله), oo dhami ay tahay nafyi (wax reebid) iyo amar (wax farid ama ogalaasho). 

Haddiina aan eegno inta dambee amarka ama ogalaashaha ahi, waxaanu heleynaa in Quraanka ay labadaasi kalmadood ee ugu dambeeya cibaaradda ay kusoo arooreen iyagoo sidaasi isu wata 19 mar. Marka 19d-na waxaa lagu khatimay aayadda 19d ee suuradda. Subxanallaah!!.U fiirso mar kale isla labadaasi kalmadood(إلا الله), waxay dhanka kale ka kooban yahiin 7 xarfood isku darkooda. Subxanallaah!!.Cibaaradani cajiibka ahi waa middii uu 13 sano dadkii reer Makkah uu Nebi Muxammad (NNKH) dadka ugu yeerayay. Waa midduu 60 mile inta u jaray la tegey magaallada Dhaa’if, si dadka u yiraahdaan kalmadahani qiimaha badan, balse ay kusoo dhagaxyeeyeen lana soo eryeen. Waa risaaladii uu dadka muddo 10 sano ah ku barayay magaallada Madiinah. Waa risaaladii uu udiray boqorrada si ay u yiraahdaan kalmadahani qiimaha badan. Waa kalmadda sababteeda loosoo direy oo Alle risaaladani ugu soo dhiibay. Waana sidoo kale miftaaxa (furaha) Jannada. Maxaa haddaba diidaya in furaha Jannada uu yeesha sha’nigaasi weyniga badan?Tani waa risaala raqameed oo cajiib ah oo ku wajahan inta laab shakiga qabta, ee ka shakida risaalada nebi Muxammad (NNKH), inta kalee muslimka ahina, wax aanan towfiiq iyo sugnaan iyo iimaan ahayn kama qaadaan. Mana yiraahdaan wax kale Subxaanallaah!! mooyaane, iyo inay aqriyaan qowlka Alle sarreeye ee ah.

وَمَا كَانَ هَٰذَا الْقُرْآنُ أَنْ يُفْتَرَىٰ مِنْ دُونِ اللَّهِ وَلَٰكِنْ تَصْدِيقَ الَّذِي بَيْنَ يَدَيْهِ وَتَفْصِيلَ الْكِتَابِ لَا رَيْبَفِيهِ مِنْ رَبِّ الْعَالَمِينَ 
 
Suuradda Yuunus: 37WQ: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi_
______________________________________________________________
Afeef: Qormadani waxay ugaar tahay qoraha iyo webka caasimada.net, lama daabacan karo idan la’aan.