Siyaasi ka tirsan XISBIGA WADAJIR oo xildhibaan loo doortay kadib doorasho adag

Baydhabo (Caasimada Online) – Sadaad Maxamed Nuur, oo ka tirsan Xisbiga Wadajir, ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsam,e ayaa maanta ku guuleystay tartankii loo galay kursiga HOP#180 oo doorashadiisa ay ka dhacday Koonfur Galbeed.

Xildhibaanka oo khudbad ka jeediyey kadib guushiisa ayaa u mahad-celiyey guddiga doorshada Koonfur Galbeed iyo Beeshiisa oo u ogolaatay inuu ku matalo Afarta Sano ee soo socota, wuxuuna sheegay in doorashada Koonfur Galbeed ay u socoto si cadaalad ah.

“Waxaan mahad leh Allah oo noo suurta geliyey inuu si nabad ah noogu soo dhammaado tartanka doorashada kursiga HOP180 ee Beesha Naasiye, intaas kadib waxaan u mahad celinayaa guddiga doorashada iyo maamulka Koofur Galbeed oo suurta geliyey in si cadaalad ah noogu soo dhammaato,” ayuu yiri Xildhibaan Sadaad.

Wuxuu sheegay in doorashada ka socoto Koonfur Galbed kaliya lagu weyn karo calaf, isagoo meesha ka saaray inay jiraan caqbado qofka ka hor istaagi karo inuu kusoo baxo kursiga.

“Waxaan rabaa inaan ku darsado, doorashada ka socoto Koonfur Galbeed calaf bis ayaa lagu weyn karaa ee cadaalad darro laguma weyn karo, taas waxaa caddeyn u ah in anigoo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadajir aan kusoo baxay kursigaan, markaan dadkeyga usoo doontay kursiga way ii ogolaadeyn.”

Hadalka Xildhibaan Sadaad ayaa kusoo aadayo xilli Maamulka Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay musharixiinta qaar u diiday inay u  tartamaan kuraasta.

Dadka loo diiday inay u tartamaan kuraasta ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo sheegay in waxa ka socdo Baydhaba aysan aheyn wax lagu sheegi karo tartan.

Dhinaca kale, kursiga HOP213 oo doorashadiisa ay qabsoomtay ayaa waxaa ku guuleysatay Aamina Maxamed Mursal oo heshay codad gaaraya 70 cod, halka Aamina Xuseen oo ah musharaxa la tartameysay ay heshaycodad gaaraya 12 cod, waxaana halaabay 6 cod, sida uu shaaciyey Guddiga doorashada Koonfur Galbeed.

Aamina Maxamed Mursal ayaa ah la-taliyaha dhinaca Haweenka ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, oo la rumeysan in uu galaan-gal badan ku leeyahay doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooranayo gudaha maamulkiisa.

Xildhibaan Aamina Maxamed Mursal ayaa waxay hore u soo qabatay Xilka Wasiirka Wasaaradda haweenka & xuquuqul Insaanka ee xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi ee dowladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Kursiga HOP213 ayaa waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Xildhibaan Yacquub Cali Maxamed.