Socdaalka Muuse Biixi ee Jabuuti oo meesha ka saaray arrin lix sanno taagneyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Sanado badan kadib waxa dhawaan si rasmi ah dib loogu furayaa isku socodka shacabka iyo gaadiidka xadka uu dhaxeeya Somaliland iyo Jabuuti oo arrimo amni u xirnaa sanadihii u dambeeyay.

Dowladda Jabuuti ayaa 2014-kii  gebi ahaanba xirtay xadka ay la leedahay Somaliland, kadib markii uu xiliga dalkaas ka dhacay qarax, iyada oo dadka ku safraya ay kala kulmi jireen culeys xoogan.

Isbedel-kan ku yimid xadka ee lagu laalay go’aankii hore ee Jabuuti ayaa imanaya kadib markii labada madaxweyne ee Somaliland iyo Jabuuti ay ka gaareen is-afgarad, kadib booqasho maalmo qaadatay oo uu ku tagay Muuse Biixi dalka Jabuuti.

Xadka lixda sanno xirnaa ayaa waxa dhibaato badan kala kulmi jiray ganacsatada iyo dadka shacabka, maadama markii hore loo diidi jirey iney xadka ka gudbaan dhammaan gaadiidka ka yimaada deegaanada Somaliland.

Baabuurta dadweynaha iyo kuwa xamuulka ayaa dhaafi jirin xadka Somaliland iyo Jabuuti, waxaana agabka iyo rakaabka lagu wareejin jiray gawaari kale oo u sii gudbisa gudaha Jabuuti, midaasi oo hada meesha ka baxday.

“Waxaan madaxweynaha Jabuuti iyo xukuumadiisaba uga mahad-celineynaa in dhibaatadii ka jirtay xadka la dhameeyay” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay xadka labada dhinac ee dib la isugu furay.

Somaliland ayaa sanadihii udambeeyay xiriir wanaagsan la laheyd dalka Jabuuti, waxayna leeyihiin iskaashi dhanka amaanka ah oo keenay in xadka labada dhinac dib la isugu furo, kadib muddo lix sano ah oo uu xirnaa.