Rooble oo xil u magacaabay Maxamed Ibrahim Macallimu

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu goordhoweyd Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa kamid ahaa bahda warbaahinta dalka, gaar ahaan waxa uu ka tirsanaan jiray idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu u magacaabay  Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Xilkan ayaa noqonayaa mid cusub, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin xukuumaddii Xasan Cali Kheyre oo la bilaabatay muddo xileedka madaxweynaha hadda talada haya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wareegtadan ayaa noqoneysa midii labaad ee uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliyada, Maxamed Xuseen Rooble uu isla maanta xil muhiim ku magacaabo, iyada oo galinkii dambe ee maanta Maxamed Ibraahim Nuur uu u magacaabay xoghyaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Rooble ayaa u muuqda mid dar-dar cusub ka bilaabay xafiiska labaad ee u sareeya dalka, tan iyo markii uu xilka la wareegay, waxaana muddo kooban ay ka harsan tahay muddo xileedka xukuumadda.