Xog: Korneel Saney Cabdulle iyo DF maxaa dhex-maray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa baraha ee Internet-ka aad loogu hadal haayaa warar sheegaya in Korneel Saneey Cabdulle uu la heshiiyay dowladda federaalka Soomaaliya.

Caasimada Online oo la hadashay saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in Korneel Saneey uusan baxsad ka aheyn dowladda Soomaaliya, balse uu jiro khilaaf, islamarkaana uu weli taliye ka yahay mid ka mid ah guutooyinka ciidanka Xoogga dalka.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in aysan jirin wax heshiis hoose ah oo ciidamo soo wareejin ah oo dhaxmaray dowladda Soomaaliya iyo Korneel Saneey Cabndulle.

Saneey Cabdulle ayaa boqolaal askari, gaadiid dagaal iyo ciidan badan ku heesta duleedka waqooyi ee Muqdisho, waxaana la sheegaa inuu dhowr jeer diiday wareejinta ciidankaas.

Ciidan ka tirsan Gor-Gor ayaa saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa duleedka degmada Kaaraan, waxeyna dadka degaanka iyo Muqdisho ka dhax dhalisay hadal heyn badan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidankii Gor-Gor ee la geeyay duleedka Kaaraan ay hadda fariisin ka sameysteen Xerada Maslax ee duleedka Muqdisho gaar ahaan duleedka degmada Heliwaa ee Gobalka Banaadir.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan ciidankaas weerar ku heyn Saneey Cabdulle balse ay howlgal gaar ah halkaas ku tageen, kadibna dib uga laabteen fariisin kale oo ay ka sameysteen duleedka Muqdisho.