BF oo sanado badan ku kordhiyey muddo xileedka guddiga Xaliimo Yarey

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa maanta mudo kordhin u sameeyey guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo waqtigiisu ku ekaa bisha July ee sanadka 2021-ka.

In kastoo laga tashaday hadda oo aan looga fadhin wax howl doorasho ah, hadana guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka dastuurka dalku waxa uu dhigayaa in mudo xileedkiisu yahay 6-bilood, markii ay ka dhamaatana aan loo cusbooneysiin karin.

Qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee dastuurka dalka oo ka hadlaya mudada xil-heynta guddiga ayaa dhigaya “Mudada xil-heynta guddiga doorashooyinka Qaranka waa hal xilli oo dhan 6-sano oo aan la cusbooneysiin karin.”

Dad badan waxay is weydiinayaan sababta guddigan oo ay u harsantahay lix bilood, isla markaana arrintiisa uu go’aan ka gaari karo baarlamaanka dambe ee 11-ad looga gaarsiiyey mudo kordhinta.

Lix sano oo kale ayaa maanta loogu daray guddigan oo ay hoggaamiso Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), waxaana la sheegay in arrintaas ay u ololeynayeen xildhibaano siyaasad ahaan aad ugu dhow Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Xaliimo Yarey ayaa la sheegay inay si hoose waayahan ugu ololeynaysay in guddigeeda waqtiga loo kordhiyo, inta aan la kala dirin baarlamaankan 10-aad ee waqtigu ka dhamaaday oo aad ugu dhow Villa Somalia.

Kulankii maanta loogu codeeyey guddigan waxaa soo xaadirtay 145-xildhibaan, kuwaas oo dhamaantood u codeeyey in guddiga ay hoggaamiso Xaliimo Yarey lix sano waqtigiisa loogu  kordhiyo, sidoo kale waxaa kulankii maanta si aqlabiyad leh loogu ansixiyey miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2021-ka.