Waa kuma xoghayaha cusub ee joogtada xafiiska R/W ee maanta la magacaabay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilkii ka qaaday Xoghayaha Joogtada ee xafiiska ra’iisal wasaaraha Cabdirisaaq Caato, isaga oo xilkaas u magacaabay Dr. Maxamed Ibraahim Nuur.

Xilka Xoghayaha joogtada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii hore waxa si kumeel gaar ah u hayay Cabdirisaaq Caato, oo isla maalmo gudahood markii xilkaas loo magacaabay laga qaaday, haddana dib loogu soo celiyey.

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur oo ku cusub saaxada siyaasada, balse aad loogu yaqaano dhanka waxbarashada iyo tacliinta sarre ayaa xilkaasi la wareegi doona, kadib markii maanta lagu magacaabay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Hoos ka aqriso taariikhda Xoghayaha cusub

Dr. Maxamed Ibraahim Nuur waa aqoon yahan haysta shahaadada PhD, waana cilmi-baare iyo aqoon-yahan leh in ka badan 15-sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan baridda iyo cilmi-baarista.

Waxa uu cilmi baaris qoto dheer ku sameeyay dhaqaalaha Soomaaliya, wuxuuna dhaqaalaha ka haysta shahaadada u sareysa ee PhD, taasi uu ka qaatay 2015-kii University Sains Malaysia.

Sidoo kale waxa uu shahaadooyinka Bachelor-ka iyo Master-ta ka qaatay jaamacada SIMAD iyo International Islamic University Malaysia (IIUM), kuwaasi oo ka diyaariyey  Maamulka iyo Dhaqaalaha.

Waxa uu sanado badan shaqooyin kala duwan kasoo qabtay jaamacada SIMAD, isaga oo ugu dambeyntiina ka gaaray gudomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyada  jaamacada.

Waxa kale oo uu la-taliye sare ka noqday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka, taasi oo ilaa iyo hadda uu ka tirsanaa.

Waxa uu sidoo kale noqday la-taliyaha arrimaha hormarinta dhaqaalaha ee madaxweynaha Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Lafta-Gareen, oo ilaa iyo hadda yahay, wuxuuna door weyn ka qaatay arrimaha Dhaqaalaha iyo maaliyada ee maamulkaas.