Xog: Guddiga doorashada ee heer gobol oo dib ugu laabanaya deegaanadooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in bisha Janaayo ee sanadka cusub ay xubnaha guddiga doorashooyinka ee heer dowlad gobaleed dib ugu laabanayaan degaanada amaba maamullada ay ka yimaadeen.

Guddiga heer dowlad gobaleed ee ka kooban min 11-ka xubnood ayaa la filayaa in ay tagaan Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb, waxaana la sheegay in ay qaban qaabin doonaan doorashada xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee heer dowlad gobaleed ayaa sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya la hadleen maamulada qaar islamarkaana lagu wargeliyay in ay shaqo bilaabaan, islamarkaana ay soo bixi doonaan guddiyada.

Si kastaba, waxaan caddeyn sida wax u dhici doonaan marka xubnahan laabtaan,  ayada oo inta badan madax goboleedyada aysan dooneyn inay gudo galaan doorasho aan raali lagu wada aheyn, si gaar ah kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in guddigaan ay wajahayaan dhibaatooyin oo dhanka maamuladooda ah iyo xubnaha mucaaradka ee diidan doorashada Soomaaliya.

Guddiga heer federal ee lagu muransan yahay ayaa mar labaad soo saaray jadwal cusub oo doorasho oo ka billaabanayey 26-kii December, balse durba ku guul-darreystay inuu dhaqan galo.

Qoraal maanta kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in waqtiga la garsiiyey ilaa 5-ta Janbaayo iyadoo toddobaad lagu daray.

“Guddigu waxa uu la wadaagayaa Madaxda Dowladaha Xubnaha Ka ah Dowladda Federaalka in qabashada codsiyada murashixiinta Golaha Aqalka Sare ay ku egtahay 5-ta Jannaayo 2021, halka tartanka kuraasta Aqalka Sare loo asteeyay in la qabto inta u dhaxaysa 7-14 Jannaayo 2021,” ayaa lagu yiri War-saxaafadedeka Guddiga