London (Caasimada Online) – Shirkadda Soma Oil and Gas ee fadhigeedu yahay dalka UK, ayaa u dhaqaaqday inay durba iska fogeyso Xasan Cali Kheyre, saacado kadib markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.
Xasan Cali Kheyre ayaa saami dhan 1.1% una dhigma laba milyan oo saami ku lahaa shirkaddan ka shaqeysa sahminta iyo baarista shidaalka Soomaaliya, sida ku cad website-keeda, oo Caasimada Online ay booqatay markii la magacaabay Xasan.
Waxa uu sidoo kale ahaa agaasimaha fulinta shirkadda ee Afrika.
Si kastaba, Soma Oil and Gas, ayaa saacado kadib markii la magacaabay Xasan Cali Kheyre ka saartay website-keeda, ayada oo sheegtay inuu baabi’iyey dhammaan wixii saami ah ee uu ku lahaa shirkadda, iskana casilay xilkiisa.
Shirkadda ma aysan sheegin waxa loola jeedo baabi’inta saamiga Xasan Kheyre, ayada oo ay caddahay in saacado kooban aysan suurta gal ku ahayn inuu iibiyo dhammaan saamigiisa.
Sidoo kale, Caasimada Online ayaa is-barbar dhig ku sameysay xisaabta guud ee sida loo kala leeyahay saamiga Soma Oil and Gas, intuu uu Xasan kheyre ku jiray website-keeda iyo markii laga saaray kadib, waxaana cad in saamigiisu meesha ka maqan yahay, oo aanay jirn cid kale oo qaadatay.
Tusaale, marka Xasan Kheyre uu ku jiro saamiga, waa 100%, hase yeeshee marka laga saaray waa 98.9%, taasi oo macnaeedu yahay in saamiga Xasan Kheyre la qariyey oo kaliya, oo aanu si rasmi ah meesha uga maqneyn.
Caasimada Online waxay screenshot ka qabatay website-ka Soma Oil and Gas intii aysan ka saarin Xasan Kheyre iyo markii laga saaray kadib, inaga oo ku xisaabtameynay in laga saari doono. Waxaad ka arki kartaan qeybta hoose sawirka koowaad iyo kan labaadba.
Shirkaddan ayaa horey loogu eedeeyey inay musuq-maasuqday madaxda dowladdii Xasan Sheekh si ay u hesho heshiisyo shidaal sahmin iyo xiriir ay lahayd kooxaha argagixisada. Waxaa sidoo kale lala xiriiriyey kiiska badda Soomaaliya iyo inay gacan saar hosoe la lahayd dowladda Kenya iyo dowladda Norway. Xasan kheyre ayaa si gara ah arrintan loogu eedeeyey
Tallaabada Soma Oil and Gas ay qaaday ayaa loo arki karaa in looga hortago in Xasan Kheyre uu xiriirka shirkaddaas taageero ku waayo.
Saacado kadib markii ay sidan sameysay ayey Soma Oil and Gas soo saartay war saxaafadeed kooban oo ay ku sheegtay in Xasan Kheyre uu xilka agaasimaha shirkadda ee Afrika iska casilay markii ra’iisul wasaare loo magacaabay, islamarkaana uu baabi’iyey saamigiisii shirkadaas.
Halkan ka arag webka Soma Oil and Gas iyo sida loo kala lee yahay saamiga
KA HOR INTA AAN LA MAGACAABIN XASAN KHEYRE
MARKII LA MAGACAABAY XASAN KHEYRE KADIB
Caasimada Online
Xafiiska London
[email protected]



