Soomaali lagu xiray waddanka SUDAN kaddib markii la ogaaday inay rabeen..

Khartoum (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Khartoum ee dalka xarunta dalka Sudan ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray 15 qof oo ah Soomaali socota ah kuwaasoo ku sii jeeday dalka Libya.

Wariye Cabdelle Isnay oo ku sugan Khartoum ayaa sheegay in dadkan la qabtay ay ahaayeen tahriibayaal markii hore ka yimid dalka Ethiopia isagoona tilmaamay in ay ku sii jeedeen dalka Libya si ay uga sii tahriibaan oo ay u galaan Yurub.

Wuxuu sheegay in ay ku jireen labo dumar ah, waxaana dhammaan ay hadda ku xiran yihiin ayuu yiri xabsi Khartoum ku yaalla.

Mar la weydiiyay cidda waday Soomaalidan tahriibka ah, wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka Khartoum ay la xireen kooxo muqalasiin ah oo u kala dhashay waddamada Itoobiya iyo Suudaan kuwaaoso waday dadka Soomaalida ah.

Wuxuu sheegay oo kale wariye Cabdelle Xuseen Yaxye in Soomaalida tahriibka ahayd lagu maxkamadeeyay 15 cisho oo xabsi ah kaddibna loo musaafurin doono dalka ay ka soo galeen Sudan.

Sudan waa meel ay waddo u tahay tahriibayaal fara badan oo ka taga geeska Afrika kuwaasoo sii mara dalka Libya si ay u galaan qaaradda Yurub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khartoum

Caasimada@live.com