Mas’uul ka tirsan Maamulka Puntalnd oo weerar culus lagu qaaday + Magaca

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka laga helaayo Magaalada Boosaaso, ayaa sheegaya in Kooxo hubeysnaa ay weerar culus ku qaaden Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolka Bari C/fitaax Xaaji Aadan.

Wararku waxa ay sheegayaan in Weerarka uu ahaa mid gaadmo ay Kooxda ku qaaden Gaari uu la socday Guddoomiyaha, waxa uuna weerarka dhacay xilli uu Mas’uulkaasi marayay Buuraleyda Galgala ee Gobolkaasi Bari.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in Guddoomiyaha uu soo gaaray dhaawac culus isaga iyo qaar ka tirsan istaafkiisa, waxa uuna weerarkaasi ku soo beegmayaa xilli dhawaan weerar ismiidaamin ah lagu qaarijiyay Taliyihii qeybta Boliiska Gobolkaasi Bari.

Dhanka kale, waxaan jirin cid sheegatay weerarkaasi, iyadoona Maamulka Puntland aysan weli ka bixin wax faah faahinno ku aadan weerarka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gobolka Bari lagu qaaday.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com