Siilaanyo oo si aan horrey looga baran uga carrooday hadalkii Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu Maalmahaani ku sugnaa Magaalada Washington DC ee Dalka Mareykanka, islamarkaana halkaasi ka jeediyay Khudbado ayaa waxaa soo baxaayo warar sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka carooday hadal kasoo yeeray Xassan Sheekh.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay machad Maraykan, ayaa waxa uu soo hadal qaaday wada-hadalada qabyada u ah Dowlada iyo Maamulka Somaliland, waxa uuna sheegay inuusan istaagi doonin wada hadalka.

Xassan Sheekh ayaa waxa inta uu Khudbada jeedinaayay sheegay in wada-hadalada kala dhexeeyo Somaliland ay tahay mid looga arrinsanaayo Midnimada Dalka Somalia, waxaana hadalkaasi ka carooday Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo oo sheegay in Xassan Sheekh uu wada-hadalka u weeciyay sida uu jecelyahay, waxaanu sheegay in ujeedada wada hadaladu tahay soo celinta midnimadii burburtay ee Somaliya.

“Midnimada wadanka Somalia waa ahmiyadayda koowaad, waxaana bilaabay markii aan xafiiska imidba.” Ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in go’aankiisu yahay inaan la joojin wada hadalada uga socda wadanka Turkiga, kuwaas oo uu sheegay in marka wax kale laga tago ay dhaleen in la wada hadlo taas oo uu tilmaamay inaanay laba sanadood ka hor dhici jirin.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa dhankiisa ka cambaareeyay hadalka Madaxweyne Xassan, waxa uuna Tilmaamay in Ujeedka shirarka Ankara uusan aheyn inay la midooban Dalka Somalia balse ay fadhiyadaasi ku qancinayaan DFS.

“Waxaa jira wada-hadalo nooga socda Dalka Turkiga Afar kulan ayaa sannadkii hore iyo horaantii sannadkan qabsoomay waanay socdaan, Lakin heshiisku kuma jirin inaan DFS arrinta Midnimada kala gorgortano’’

Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka Madaxweyne Xassan ee ku aadan midowga DFS iyo Maamulka Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa isna dhinaciisa dhawr goor cadeeyay in ujeedada wada hadaladu tahay sidii ay Somaliland u noqon lahayd qaran buuxa.

Dhanka kale, Khudbada Xassan Sheekh ayaa u muuqaneysa mid hakat galin karta Wada-hadalka DFS iyo Maamulka Somaliland uga socday Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com