Xog: C/weli Gaas oo xil u magacaabayo siyaasi carro uga haajiray GAROOWE !!

Muqdisho (Caasimada Online)-Ilo wareedyo ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu qorsheynaayo inuu xil culus u magacaabo Axmed Cabdi Xaabsade.

Ilo wareedka ayaa Xaqiijinaaya in Xaabsade oo kasoo goostay Maamulka Somaliland, islamarkaana Maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Gobolka Wardheer ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Kililka Shanaad xil looga magacaabayo Maamulka Puntland.

Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu xiliyo kala duwan xil ka soo qabtay Puntland iyo Somaliland, sida Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland, Wasiirkii Warfaafinta Somaliland.

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa waxa uu iminka ku wajahan yahay Magaalada garoowe, waxaana socdaalkiisa Puntland ka shaqeeyay Nabadoono iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Puntland, inkastoo aan la carabaabin xilka loo wado.

Dhanka kale, Axmed Cabdi Xaabsade oo aan mudooyinkaani ka dhex muuqan Siyaasada Dalka gaar ahaan kuwa Maamul Goboleedyada, ayaa waxaa iminka Heshiis hoose la saxiixday Madaxweyne C/weli Gaas oo ku howlan kasbashada Siyaasiyiintii ay kala irdhooben C/raxmaan Faroole.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com