Somaliland oo dejisay qorshe cajiib ah oo suurta gelinaya in shidaal loo baaro

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horreeyay faah-faahin ka bixiyay ciidamo gaar ah oo loo sameenaayo shirkadaha shidaalka ka baaraya deegannada ay maamulaan.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Maxamed Waran Cadde oo saxaafadda kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada gaarka ay yihiin ciidankii hore ee Somaliland ay u lahayd oo aaney ciidamo cusub loo sameenaayo.

Waxaa la weydiiyay in hadallo badan ay ka dhasheyn ciidamadan loo sameenaayo shirkadaha shidaalka ka baaraya Somaliland,wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan ay yihiin kuwa ka tirsanaa ciidamada booliska iyo kuwa milliatariga, maadama ciidamada Somaliland ay seddax qeyb ka kooban yihiin kuwaasoo kala ah, booliska, millitariga iyo asluubta.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamadan la siin doono tabbabar casri ah oo ku aadan siddii ay u waardiyeen lahaayeen shaqaalaha la socda shirkadaha shidaal baarista ka wada Somaliland oo qaar ka mid ah ay hadda billaabeyn sahminta shidaalka.

Wasiirka ayaa la weydiiyay bal in uu faah-faahin ka bixiyo goobaha shidaal baarista laga sameenaayo, wuxuu sheegay wasiir Cali Maxamed Waran Cadde in goobaha ay ka mid yihiin Burco, Oodweyne iyo deeganno kale oo uu ka arrimiyo maamulka Somaliland.

Waxaa la weydiiyay meelaha qaar ee shidaal baarista laga sameenaayo in ay ku jiraan goobo ay sheegatay maamulka Puntland, wuxuu tilmaamay wasiirku in aaney jirin goobo shidaal laga qodayo oo ay lee dahay Puntland ee dhammaan goobaha shidaal qodistu ay yihiin dhulka ay lee dahay Somaliland.

Si kastaba, waxaa dad badan ay isla dhexmarayeen in Somaliland ay wado dhismaha ciidamo aad u hubeysan una tabbabaran kuwaasoo loo diyaarinaayo in ay waardiyeeyaan goobaha shidaalka laga qodayo Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com