SOMALIA: Madax bilaa mas’uuliyad ah iyo wadan bilaa mujtamac ah. By: Xaaji

Waxaa soo noqnoqday khilaafaad aad mooddo inay isugu xigaan sida musalsalaadka lagu daawado barnaamijyada loo yaqaanno soap opera kuwaasoo aanay wax dan ihi ugu jirin dalkeenna.

Midda aan la yaabanahayse maaha oo qura inay madaxdani markii ay ayaan joogaanba ay isla soo mutaxaan khilaaf aan micne lahayn oo mijaha ku dhega wixii horumar ah oo aan maanka ku haynay, balse waa in mujtameceennu uu noqday qurub aan abid bislaanaynin.

Waxaannu lakala saffannaa madaxdaa na gabtay anagoo aqligeennii, insaaniyadeennii, islaamnimadeennii, indheer-garadnimadeenni iyo ololkii aanu soo marnayba inta iloowna u kala xuubsiibanna laba dhinac oo ay ka dhaxayso gar-cadaawo aan garoswhiiyo lahayn.

Midkeenna ma xusuusto in haddii uu Maroodi is laayo waxa baaba’ayaa uu cowska yahay, midkeen ma xusuusto in qofka shacabka ah ee aad makhaayadaha ku xagxaganaysaa uu yahay mid sida adiga ay xubayro ka dhigtay siyaasadda bilaa xikmadda ah ee dalkeenna xaalufisay sidaa darted intii aad isla doodi lahaydeen aad xaqiinna u wada dooddaan.

Midkeenna ma gocdo in markii la is geesa garaacay oo ay garashadu dibatay in waxa go’ay ee gamaaray ay ahaayeen adiga iyo aniga, ee ay madaxdu boorsooyin waawayn inta lacag ku miisteen ay dalkaba ka bexeen iyaga iyo carruurtoodu kahor intii aan la is baabi’inin oo aan la isku basin.

Midkeenna dan kama laha in intaas anaga marba cajaladda nala gelinayo in waxa meesha ku ba’ayaa ay danteennii yihiin, in dalkeennii dhacan yahay, in ay maanta jiraan gobollo dalal shisheeye ka amar qaata oo dalkeenna ka tirsan iyo kuwo haatan la dhisayo anagoon ogayn ama nalakala tashan, midkeenna iskuma dhibo haddii inta aad hebel eeganayso aad dalkaba waydo soow kama roona adigoo walaalkaa la heshiiya si aadan u doonanin ka daroo dibi dhal.

Midkeenna isma waydiiyo in duulkan aad kala taageeraysaa uusan ku jirin mid maalin ku furan lahaa (car arag siyaasi yiraahda beeshayda ayaan maanta intaa siinayaa), balse aan anagu is qorno isla marka aan ogaanno in hebel uu kasoo jeedo oday waa hore dhintay oo lagu yiri waad kasoo wada jeeddaan.

Lagama fikiro in waxa la isku hayo laga socon karo haddii la raaco xeerka dalka ama la isu tanaasulo, balse mid kasta oo inaga mid ihi wuxuu isla soo taagaa dood daaliso ah oo ku salaysan dastuur aan cidina ku dhaqmin, ballan aan cidina oofinin iyo xil xigsiino loo siiyay mid xilkas-laawe ah.

Maskax la’aanta madaxda….

Madaxda Soomaalidu aad bay u nasiib badan yihiin misna u nasiib daran yihiin, way nasiib badan yihiinoo waxaa ALLE kasoo saaray mujtamacan qabyaaladda ku mirqaansan ee aan lahayn dareen wadaniyadeed, mid Islaanimo mid insaanimo, xisaabtan IWM, ee kaliya ku qancaya in lagu sidko ninku waa reer qansax, marka halkaas fursad musuqa gacan ka gaysata ayaa ugasoo baxda.

Laakiin nasiib xumadu waxay noqonaysaa in madaxdaasi ay garan la’yihiin waar dadku wayba noo dhacan yihiine aynu walba anagu sida u dhaanno oo woxoogaa dhadhan ah isu yeelno.

Welibana haddii ay iyagu heshiin lahaayeen madaxnimadooduna mansab ahaan, magac ahaan iyo milgo ahaanba way sii bullaali lahayd oo dalkana awood bay ku yeelan lahaayeen dibadda darajo iyo sharaf.

Waad ogtihiin, Ilaahay waa ogyahay, anaguna waanu ognahay inuusan jirin midkiin leh dareen mas’uuliyadeede inta dastuur baa la jebiyayda iyo is bihinbihiska beenta ah joojisaan dastuur iska daba wareeg ah oo aan maxkamad dastuuri ah xitaa lahayn inuusan meelna u dhaqaaqin waa dheel aad sii dejiseene Allhiniin ka boqoo dalka iyo dadka sidan halloo dhaamo.

Dalkan aad ka dhiganaysaan sidii xaafad iyo cariish aad idinku iska leedihiin iga Walloo waa la idin waydiin doonaa dhowaa ama dheeraa, xitaa haddii shacab hurdaysan oo tiih ku jiraa uu dalkan leeyahay oo aad is leedihiin silica aad ku haysaan bay ku faraxsan yihiin, Saadirkii idin abuuray ka baqa oo wax iskula hara oo umaddaas daashay u tura oo u tanaasula.

Waqti-xaadirkan gabadha hab-qanka ah ee tahriibka ah ee lagu kufsanayo meel bah-gooyo ah oo u dhaxaysa meel aan la garanaynin, hooyada gablanka ah ee aad ubadkeedii meel cidla ah kasoo taajiseen oo iyagoo ku dirirsan siyaasaddiina sumaysan is laayay, islaantii 130 dhaaftay ee iyadoo beerku isku dhegey mid kale oo aan iyada wax badan ka yarayn ay baahida la barkanayd ee DHADHAAB ku dhibban, dalkan markii cid sheegata la waayay uu dalba dhinac la ruqayo, waxaas oo dhan iga Walloo waa la idin waydiin (Kullukum raacin wa kullukum mas’uulun can raciyatih).

Waqti xaadirkan la joogo wax la qabtay ma jiraan, ciidan lama dhisin, amaan lama sugin, dib-u-heshiisiin wax ku ool ah lama qabanin, dalkii baad hannaan qabyaaladeed oo dan gumaysi lagasoo minguuriyay heshiisyo is diidan ugu kala saxeexaysaan, misna tiiyoo ay sidaa tahay in umadda khilaaf soo noqnoqda loogu daraa ma qabatee ka daaya.

Reer dudaayoow dantaa garo…

Dadkeenna reer dudaaye iyagana waxaan usoo jeedin lahaa ogaada dalkeennu waa wadanka qura ee aan shacab lahayn ee dunida ku yaalla, dalkii aan shacab lahaynna dad kale ayaa qaata, marka aan leeyahay shacab ma lihin micnuhu maaha inaysan jirin dad SOOMAALIYEED lkn waxaan jirin dad u fikiraya SOOMAALI ahaan hadii uusan jirin dad noocaas ahna, way adkaan doontaa inuu sii jiro dal SOMALIA la yiraahdaa.

Aan kusoo gaabiyo tudco ku jiray gabayga MADALOOTI oo uu dhowaantan tiriyay hal abuur Kayse Maxamed Xuseen ‘’Galaydh” oo u dhigan sidatan:

Micnahayga nimankaasi waa, maal rag leeyahaye

Minjahooda niman baa u rogay, madaxyadoodiiye

Qarankii milgaha wayn lahaa, moowdka loo godolye

Matalkeeda lay tag mid aan, moqor biyaynayne

Mansabkii siyaasiga hinraac, midigta loo saarye

Maqaar saarka beenta ah iblays, igu maddiiddeeye

Mabda’iida wiil lala boxoo, midabka Soomaal leh.

Malkaduu gumaysigu fadhiyay, lagu mataaneeye

Matal qaranka goortii la yidhi, aradka miineeye

Mugdigii jahligu qaadan jiray, igu maqaar saarye

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji Xuseen Raage

Farriin-Danabeed: maxaaji@hotmail.com

Gothenburg,  Sweden

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid