6 sababood oo uu Xasan Sheekh weli ugu dheggan yahay Faarax C/Qaadir

Is badal kasta oo dunida ka dhaca, Maamul kasta oo cusub, waxaa la socda koox maslaxad doon ah, waxaa jira shakhsiyaad ka faa’ida, kooxdani waxa ay u dagaalamaan jiritaankooda, tilaabo kasta waa inay ka dhex arkaan hor u mar kooda, arintan oo laga yaabo in ay dib u dhac u keento maamulkaas ama ka leexiso wadada saxda ah!!

Waxaa jira ciidamo Militari oo dalalka qaar si dadban u xukuma, dad fakirkooda dalal lagu dhaqo, hay’ado dhaqaale oo dunida maamula, hay’ado wax Controla sida International Crisis Group, Monitoring Group iyo shakhsiyaad ka awood badan maamulka!!

Maestro Faarax Sheekh Cabdi qadir, waa astaanta Villa Somalia, dadka qaar waxay sheegaan inuu yahay nin Maslaxad, halka koox kale ay ku doodayaan inuu yahay maskaxda Xasan sheekh, koox sadexaad ayaa qabta inuu lahaa mashruuca lixda tiir, koox afaraad ayaa ku dhaaranaya in lacagtii doorashadii Faarax madaxiisa lagu helay, koox shanaad ayaa ku leh sheekada waa AMA iyo Urur diimeed…..Lakin xaqiiqda jirta waa Faarax in uu yahay astaanta Villa Somalia!!

Maestro Faarax Sheekh waxaa uu marayaa xili xun, dowlada ayaa dartii u kala qeybsan, Ra’isul Wasaaraha waa ka soo booday, dad badan ayaa shaqo ka dhigtay xantiisa, qeyb ayaa ku heysa Character assassination, Lakin sida xaqiiqda ah nacas cadaw ma yeesho!!

Lix Sabab uu Xasan Sheekh ugu dhegan yahay Maestro Faarax Sheekh Cabdiqadir!!

1. Xasan Sheekh: Xasan ma doonayo in ay ku dhacdo sheekadii sadexda dibi, Faarax waa fursadiisa ugu dambeysay ee Xasan Sheekh ku sii ahaan karo Madaxweyne ilaa 2016-ka!!

2. Is faham: Labada nin waxaa dhex martay is faham adag, Xasan Sheekh u ma reeban Faarax Cabdiqadir Jaceyl gaar ah, ee ninka hore(Xasan) ayaa ka maarmi la’ ninka dambe(Faarax)!!

3. Xukunka: Taariikhda siyaasadda, waxaa jira shakhsiyaad ka xoog badan Madaxweynaha sababo badan awgeed, shakhsiyaadkaas si aan toos aheyn ayey u maamulaan dalka, waxaa dhici karta in Maestro Faarax ceyn kaa yahay!!

4. Maestro: Faarax waa aabaha iyo hindisaha mashruuca Lixda tiir, tani ma aha in Xasan Sheekh aanu mashruucan shaqo ku laheyn waayo waa ninka fulinaya!!

5. Xiriirka Gobolka: Xiriirka Soomaaliya ay caalamka la leedahay waxaa uu ka bilowdaa wadamada darsika, Maestro Faarax waxaa uu xiriir soke la yeeshay wadamada darska, gaar madaxda Soomaalida ku nool dhulalkaas Soomaali Itoobiya iyo Soomaali Kenya!!

6. Sheekadu waa Wasaaradda: Si Xasan Sheekh wax qabad u sheegto 2016-da, waa in ay gacanta ugu jiraan wasaaradaha Ziyaadiga ah ama Wasaaradda ugu shaqada badan dowlada ugu na muhiim san, Wasaaradahaas waxaa ka mid ah Cadaaladda iyo Arimaha Dastuurka, Faarax na waa shakhsigii uu Xasan Sheekh u baahnaa!!

W/Q: Ustaad Abdi Aziz Gurbiye
gurbiyeshow@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid