CABDI WELI oo galay khiyaano QARAN

R/wasaare Cabdiweli Sheikh waa nin aad iyo aad u qiima yar oo waa ninka raba inay burburto dowladda uu madaxa ka yahay.  Wuxuu qaaday tallaabo uu ninki isaga ka horreeyay ku waayay isla booska uu fadhiyo.  Mao Tse-Tung aa waxaa laga hayaa hal ku dheg uu yiri “every defeat is a victory”oo micnaheedu yahay guul darra kasta waa guul.  Sidey guul u tahay? Si aan mar kale isla khaladki aanan u gelin.  R/Wasaare Saacid waxaa laga kari waayay ninkaa Faarax Cabdulqaadir iska daa!! Waa nin uu wato Madaxweynaha…nin kasta oo meesha joogana qofbuu wataa uu si gaar ah xiriir ula leeyahay… markuu diiday taladi waa la ogaa meeshi u dambeysay.

C/weli Sheikh muxuu ka rabaa Faarax Cabdulqaadir ma dowladda ayaa burbureysa hadduu sii joogo? Mase joogistiisa iyo xilka uu haayo ayaa khatar ku ah gobollada iyo madaxda gobollada qaarkood?  Hadduu ka baxase maxaa hagaagaaya oo hadda socon weysay?  Wuxuu ku andacoonayaa inuu dustuurka ku taagan yahay.  Ma dustuurka ayaa oggolaaday inuu warqad sir ah ( highly confidential) oo ah martiqaad ku socotay Madaxweyne Xasan Sheikh uu siiyo Cabdi Weli Gaas kuna tago shir isaga darajadiisa iyo mustawahiisa protokool ahaan aad uga sareysa aadna uga fog waxa uu ismoodo. Waxa Madaxweynayaashi meesha yimid ay la yaabeen dalka la yiraahdo Puntland!!!..Madaxweynaha Liberiya waxay tiri dalkaan xaguu ku yaallaa?

Tallaabooyinka uu R/wasaare Cabdiweli qaaday oo dhan waa kuwo uu rabo inay dowladdu dunto, waayoo haddii ay duntana abaalmarintiisa waxaa u ballan qaaday dalal dhowr ah iyo hayado oo magacooda la sheegi doono markey arrintu gaarto ”baraka ma leh ” . Hadduu dowladda baaqi ku sii ahaado wuxuu boobi karo ayuu boobayaa waana sii soconayaa!!!.

Madaxweyne Xasan Sheikh ma ahan  nin dadka ceebahooda daba kaca ama shaaciya waxa uu ogaado, waana ka xishoodaa inuu qof gooni ahaan u ceebeeyo asagoo og waxa qofkaasu sameeyay, waana tilmaanta looga baahan yahay qofka qabanaya madaxtinnimada dalka ama hogaamiye dad iyo dal u ooman ammaan iyo horumar sida Somaaliya oo kale.

29_Oct_2014

Waa nasiib darro maanta in gobollada qaarkood ay hogaanka u qabtaan shakhsiyaad ku howlan in ummaddaan walaalaha ah la kala dilo, laysku soofeeyo loona qaybiyo jufooyin cadaawo isku ah, waxa laysku heystana aan cidna aqoon, waxaase loo badiyaa in qof waliba dano u gaar ah u baabi’inayo danta dalka iyo dadka…waana ummad aan waxba is-dhaamin oo wada caqli yar..waxaa jirta xikmad Carabi ah o dheheysa LIKULLI DAAIN DAWAA ILAAL-XAMAAQA oo micanaheedu yahay jirro kasta daawo ayey leedahay haddii laga reebo xamaaqa oo ah dabbaalnimo…dabbaal daawo ma laha waa kan dalkiisa duminaaya asagoo ku xumeyna qof kale.  Si intaas oo dhan oo dhibaato nagu soo fool leh waxaa looga hortagi karaa in masu’uuliyadda gobollada iyo dalka loo dhiibo dad ay ku jirto qiiro wadannimo lagana gaashaanto inaysan nagu soo noqon kuwa maanta horboodaya maamulka dalka, iyagoon aqoon u lahayn culeyska ay ledahay hogaaminta ummad uu dishay jahli, dib u dhac, isir-neceyb iyo kala dambeyn la’aan.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaan ka codsaneynaa inuu naga ilaaliyo dadka belada baafinaaya oo raba in meesha lagu kala guuro si ay danahooda ugu fusho dadkuna u barakacaan taasoo horseedi doonta burbur iyo baab’a kii ugu darnaa.

R/wasaare C/weli Sheikh Ahmed wuxuu khatar ku yahay dowladda kaliya ma ahan ee waa dalka oo dhan wuxuuna u muuqdaa ruux wax waliba diyaar u ah si uu danahiisa iyo kuwa asaxaabtiisa u fuliyo.

Waxaan Ilaahey Cazza-Wa-Jalla ka baryeynaa inuu naga badbaadiyo belada ay nala damacsan yihiin oo maanta mareysa meeshi ugu darneyd . Allahayow naga badbaadi oo gaashaan bir ah nooga xijaab Aamiin Allahayow..Aamiin Allahayow!!! 

W/Q: Axmad Calasow

bashaar10@outlook.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid