26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Somalia oo loo dejiyey qorshaha “Somalisation”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Inta aynu ku gudo jirno qormadan waxaan jeclahay inaan si waafiya sharaxaad uga bixiyo waa maxay qorshaha loogu magac daray somalisation,yaa hindisay ama sameeyey qorshahan,ilaa iyo inta uu soo shaacbaxay qorshahan waa kuwee wadama laga hirgaliyay ama lala damacsan yahay in laga dhaqan geliyo. Su,aalahaas iyo jawaabahoodaba waxaad ka dhex heli doontaan isla qormadan inta aynu ku gudo jirno.

Macnaha qorshahan la magac baxay Somalisation .

(1)   “Somalisation is division of the country amongst the fighting tribes” waa in dalka loo kala qaybiyo qabiilada ku dagaalamaya ee isku haysta, oo uu qabiilkastana  goosta jaan kamid ah dalka isla markaasina ay meesha ka baxdo wax la yiraahdo wadan hebel oo uu noqdo dawlad fashilantay “Failed state”.

(2)   “Somalisation would mean control by warlords” qorshaha somalisation waxaa kale uu la micno noqon karaa in dalalka uu ka hirgalayo ay maamuulaan hogaamiyo kooxeedyo hubaysan ama ururo kala aragti duwan oo kooxba ay meel maamusho.

Hadii aynu si guud usheegno macnaha dhabta ah ee somaliasation waxaa uu noqonayaa in dalkii laga hirgaliyo uusan waligiis yeelan dawlad dhexe oo xoog badan oo hanata hogaaminta dalkeeda iyo in dalkaas lagu hayo xaalad dhexe oo aan kala yaac iyo qalaalaso toona ahayn isla markaasna aan gaarsiisanayn dawladnimo dhab ah “Nolol iyo Geeri dhexdood”,waa tan hada ka jirta dalka soomaliya.

Wadamada uu ka hirgalay ama la qorshaynayo inuu ka hirgalo.

Mudooyinkan danbe waxaa saaxafada calaamka lagu baahinayay wadamo la filayo in laga dhaqan galiyo qorshahan loogu samiyay somalisation waxaana kamid ah, Suuriya, Iraq, Afghanistan, Libya, Mali iyo Darfur.

Tusaale jariirada la yiraahdo http://www.israelshamir.net/ waxaa ay daabacday maqaal ay ciiwan uga dhigtay Israel waxaa ay qorshaynaysaa in dalka siiriya ay ka hirgaliso qorshaha somalisation, “Israel’s Plan for Syria: Somalisation”.

Waxaa kale oo si rasmi ah loogu daray qaamuuska ingiriiska erayga somalisation oo hadii aad ka raadisidna  waad ka helaysaa, isagoo waliba sharaxaad dheer ka bixinaya macnaha qorshahan iyo wadama khatarta ugu jira inuu ka hirgalo iyo waliba kuwa uu ka shaqeyeeyey oo uu ugu horeeyo dalka loogu magac daray ee soomaliya.

Wakiilkii gaar ka ahaa ee qaramada midoobay ay u xilsaartay arimaha dalka siiriya Ambassador Lakhdar Brahimi oo ka hadlayay arimaha siiriya ayaa isaga oo rajo xumo ka muujinaya xaalada suuriya waxaa uu yiri sidatan “Syria envoy warns of `Somalisation` if peace efforts fail”,waxaa uu siiraya uga digay  hadii dadaalada nabadeed ay fashilmaan in ay suurto gal tahay in dalka siiraya laga hirgaliyo qorshaha somalisation.

Jariirada caanka ah ee http://journal-neo.org/ ayaa iyana waxaa ay daabacday qormo ay ciwaan uga dhigtay “The Greater Middle East: from nationalism to “Somalisation”mar ay tusaale usoo qaadatay wadanka ciraaq sida uu qorshahani uga hirgalay waxaa ay tiri wadanka ciraaq waxaa uu ukala fur furtay maamul goboleedyo “parade of autonomy” in Iraq,sida maamul goboleedka Faluuja,Basra,Diyala iyo Nineveh.waxaa iyana gooni ugoosad raadinaya  qowmiyada kurdidada ee degta waqooyiga ciraaq.

Wadanka liibiya  ee hodonka ku ah saliida ay isna qarka uu saran inuu ka hir galo qorshahan loogu laqimay somalisation, kadib marki ay meesha ka baxday dawladii dhexe ee libiya oo uu hormuudka ka ahaan jiray kaligi taliyihii dhintay ee Qadafi,waxaana dalka liibiya ka kala taliya urrur diimeedyo,qabaa,ilo hubaysan iyo dawlad tabar daran balse calaamku aqoon san yahay.

Waxaa qorshahan dabada ka riixaya oo hirgalinaya wadamada reer galbeedka oo  ay ugu horeeyaan midowga yurub iyo Wadanka maraykanka isla markaasna ay bari taarayaan wadamada Israel iyo dawlada ruushka, oo iyagu usoo tafaxaytay inay boobaan isla markaasna ay maamuulan wadamadan uu ka hirgalay somalisationku.

Waxaa iyana xusid mudan oo haboon in la sheego  qorshahan loogu magac daray somalisatonku in dhamaan wadamada uu ka hirgalay ama laga hirgalin doona ay yihiin wadamo islaam ah oo uu ilaahay ku manaystay khayraadka dabiciiga ah “Natural resources” sida Saliida cayriin iyo macdanta.

Qorshaha somalisation waxaa kale oo uu muujinaya sida looga takhalusay wadanka soomaliya maadama magaceedii laga dhigay qorshe lagu dumiyo wadamo dhisan isla markaasna noqday istaraatiijiyad loo maro wadankii la rabo in hadba markaas laga saaro khariirada calaamka.

Somalisation waxaa uu qayb ka yahay fool xumaynta la fool xumeeyey magacii soomaliya oo isagu tusaale u noqday wax walba oo xun sida,Argagixiso,burcad badeed, iyo dawlad la,aan.

Waxaan kusoo afmeeray qormadan maahmaahdii ahayd “Siday u ilxun tahay umma alla xuma”oo aan uga gol leeyahay hagaardoomiynka loo gaystay ummada soomaliyeed iyo dalkoodaba hadii ay iyagu ka gilgishaan isla markaasna ka dhiidhinaya guntigana dhiisha uga xirtaan sidaa ay kusoo ceshaan lahaayeen sharaftoodi luntay  in ay soo ceshan karaan iyaga oo alle tala saaranaya lana imaaya dadaal iyo juhdi iyo dheer.

Soomaliya Guul,Soomaliya Midnimo iyo Israac

Refrences/Ticraac

http://zeenews.india.com/tags/somalisation.html

https://glosbe.com/en/en/somalisation

https://newsessentials.wordpress.com/2011/05/31/former-algerian-military-are-afraid-of-somalisation-libya/

https://www.youtube.com/watch?v=z6UQN8wwhhQ

 W/Q: Abdikadir Ibrahim Ahmed (Kambale )

Email: [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News