Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar ay isla garteen in xil ka qaadis lagu sameeyo mid kmaid ah Wasiirada Xukuumada Somalia.
Xogtu waxa ay intaa kusii darayaan in qorshaha uu yahay in xil ka qaadista lagu Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumada Somalia Guuleed Xasan Qaasim, iyadoo xilkaasi loo magacaabi doono la taliyihii Gaarka ee Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe.
Mas’uulkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Geelle ayaa loo magacaabi doonaa Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, isagoo beddeli doona Wasiirka haatan haya Wasaaradaasi ee Guuleed Xasan Qaasim.
Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in iminka la diyaariyay wareegtadda lagu magacaabi lahaa Wasiirka cusub.
Wasiirka cusub ayaa la sheegayaa inay qaraabo hoose yihiin Madaxweynaha Jubbaland, waxa ayna xogtu tilmaameysaa in shaqsigaasi uu wato Axmed Madoobe, islamarkaana Xassan Sheekh uu ka damacsan yahay raali galinta Madoobe.
Geelle ayaa xiriir dhow la leh Dowlada Ethiopia, waxa uuna qorshuhu yahay inuu isku soo dhaweeyo Dowladaha Somalia iyo Ethiopia oo aan iminka xiriirkooda wanaagsaneyn.
Docda kale, waxa ay dadku is weydiinayaan Siyaasada keentay in Muwaadin laga qaado xilka uu Qaranka u hayay, islamarkaana xilkaasi loo dhiibo shaqsi kale oo xiriir la leh Dowlada Ethiopia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

