Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso si xooli ah uga socda ololaha loogu jira dhismaha Baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono dalka.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa iminka ka socda shirar kala duwan kuwaasi oo maamulka la qaadanaayo Salaadiinta ay ka go’do talada Beelaha Puntland kuwaasi oo lagala hadlaayo arrimaha xulista Xubnaha noqon doona Baarlamanaka cusub.
Shirarka socda ayaa waxaa qeyb ka ah Siyaasiyiin iyaguna doonaaya inay kamid noqdaan Xildhibaanada la filaayo inay isla soo xuli doonaan mas’uuliyiinta maamulka iyo Odayaasha dhaqanka kuwooda ay talada ka go’do.
Magaalada Garoowe ayaa waxaa sidoo kale ku qulqulaaya Siyaasiyiin iyo Xildhibaano iminka ka tirsan Baarlamanaka shaqeeya si ay u hantiyaan kuraas Sanadkaan u galaysa Puntland Baarlamaanka Qaran ee Federaalka.
Sidoo kale, Magaalooyinka kale ee Puntland ayaa siwayn looga hadal hayaa doorashada iyo habka ugu wanaagsan ee caasimada Puntland ay uga dhici karto.
Puntland ayaa laga cabsiqabaa in xilalkaasi ay qeybsan waayan waxa ayna cabsidu ka taagan tahay in C/wali Gaas uu xubnaha u matali doona BFS uu kawada dhigo shaqsiyaad isaga xero ugu jira.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

