29.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

SOMALIA uma baahna ra’iisul wasaare

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa fiican in taariikhda wax laga barto. Dowladahii na soo maray oo ay ku jirto tan hadda hogaaminayo Xasan Sheekh waxay la soconweysay is qabsi u dhaxeeya madaxweynaha iyo raisulwasaaraha.

Madaxweynaha waxaa soo doortay golaha baarlamaanka oo matala shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ka dib soo xula raisulwasaare aysan jirin cid dooratay iyo cid uu matalo haddana raisulwasaaruhu meeshii la rabay in uu taageero oo uu fuliyo siyaasaddii iyo balamadii madaxweynaha ee lagu soo doortay, raisul wasaaruhu wuxuu isku heystaa in uu ka awood badan yahay madaxweynaha ama la siman yahay taas ayaana sabab u ah khilaafka.

Dastuur ahaan in kastoo la dheexay waajibaadka madaxweynaha iyo raisulwasaaraha, ma ahan mid ka tarjumaya dhaqanka, baahida iyo marxallada waddanka waxaana daliil u ah isqabqabsigan soo laablaabtay. Soomaaliya 2016 ka waxay u baahan tahay madaxweyne iyo ku xigeenkiisa wada socda, isku siyaasad ah, tartanka wada gala si wada jir ahna loo wada doorto. Taas waxay meesha ka saareysaa raisulwasaare dariiqa laga soo qabtay, baarlamaan ku gorgortama ansixinta iyo ridista raisulwasaare. Waxaa nooga lumay waqti badan shacabka iyo beesha caalamkana diyaar uma ahan in soomaaliya ay dib u laabahato oo had iyo jeer ay u afduubnaato labo qafood.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, si loo helo 2016ka dowlad macno leh oo waddanka u horseedi karta  qof iyo cod ( one man, one vote), waa in hadda wax laga badalaa dastuurka oo meesha laga saaraa raisulwasaare oo aan qaadanaa nadaam madaxweyne ku xigeen (vice presidential system). Haddii taas la waayo,  waxaa dhaceysa in saas feysha la isku heysto ugu dambeyntiina ay xornimadeena gacanta ka baxdo maadaama aynaan is xukumim Karin.

WAR SOOMAALIYEEY TASHO INTAAN LAGUU TALIN 

Waxaa qoray Said Hassan. [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

- Advertisement -

Read more

Local News